Wararka Maanta
C/Weli Xasan (Tarabatooni)
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992
Waa maxay dal qiimihii?!!
Dibadbaxa dhallinyarada Muqdisho ay dhigeen
Baro xiddigihii soo maray naadigii K/Cagta MBC
38-sano Kadib iyo Saxaafada Soomaalida
News Barmuudo.com:- Taariikhdu markay ahayd 1973-dii ayaa loo aqoonsaday maalinta Saxaafada Soomaaliyeed,waxaana waqtigaasi laga joogaa muddo ku siman 38-sano.

38-kaasi sano warbaahinta Soomaaliyeed waxay soo martay marxaalado kala duwan oo ku jaan go'an Siyaasada socdaalkeedu uusan sal dhigan ee Soomaaliya soo maraysay marba marka ka dambaysay.
Maqaalkan waxaynu ku eegi doonaa;

  • Geedi socodka Saxaafada Soomaaliya 38-sano ee ugu dambeeyay ka hawl galaysay dalka
  • Ma heleen madax bannaani?
  • Sidee tahay tayadoodu?
  • Ifafaalaha Saxaafada ee mustaqbalka dhow

Intii u dhaxaysay 1973-dii ilaa 1990-kii gudaha cariga Soomaaliya ma jirin idaacado iyo jaraa'ido madax bannaan oo ka tarjumi jiray dareenka bulshada isla markaasina ka hadli jiray dhacdada dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Radio Muqdisho,Radio Hargaysa,Tv-ga Qaranka iyo Jornaalka Xidigta October ayaa ka jiray gudaha dalka oo dhamaantoodba hoos imaan jiray Dowladii milatariga ahayd ee uu hogaanka u hayay Allaahu naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa xusid mudan in uu soo baxay dhamaadkii sanadkii 1980-kii Joornaal lagu aasaasay digreeto uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Jornaalkaasi oo lagu magacaabi jiray Ogaal.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” oo ka mid ahaa Saxaafiyintii wax ka qori jiray Joornaalka Ogaal ayaa sheegay in madax bannaani Saxaafadeed aysan jirin waqtigaasi, waxaana uu xusay in Jornaalka Ogaal ay dhici jirtay mararka qaar in uu saxo khaladaadka dowlada sida uu sheegay.
Waxaa ka jiray gudaha dalka Soomaaliya waqtigaasi machadyo Saxaafadeed oo ay kasoo qalin jabiyeen Saxaafiyiin aqoon durugsan u lahaa mihnada Saxaafada.
Burburkii Kadib iyo Saxaafada Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-dii Saxaafada Soomaaliya ayaa u muuqanaysay mid ka hadlaysay dano khaasa oo shaqsiyadeed, waxaana ay la kala safatay dhinacyadii ku dagaalamayay gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa jiray Idaacado ka madax bannaana hurinta dhibaatada ka jirtay gudaha dalka , kuwaasi oo aan marnaba ka leexan in ay dhex dhexaad ka ahaadaan dhacdooyinka ka dhacayay cariga Soomaaliya.

Sanadkii 2000 wixii ka dambeeyay waxaa muuqanayay ifafaalo wanaagsan oo ku taxaluqa saxaafada, waayo saxaafad ka hawl galaysay wadanka ayaa u muuqanaysay mid u sii liicaysay dhexdhexaadnimo isla markaasina ka tarjumaysay dareenka ay qabeen Bulshada Soomaaliyeed.

5-tii sano ee ugu dambaysay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed waxay u ahayd waqti xasuus gaar ah ku reebay waayo gudaha dalka waxaa lagu dilay ku dhowaad 30-saxafi.
Waxaa muuqanaaya in warbaahin kala duwan ay marba marka ka dambeeya ay ka hana qaadaysay dalka, waxaa gudaha dalka ka hawl gala waqtigan Idaacado,Tv,Jornaalo iyo Website-yo.
Degaanada Puntland
Puntland waxaa ka hawlgala 7-idaacadood, 2-Jornaal iyo 1-Tv kuwaasi oo kala ah:
Joornaalka Kaaha Bari
Horseed Media
Radio Daljir
1 Nation
Al-xikma
SBC
ETN Tv
Radio Gaalkacyo
Codka Nabadda
Joornaalka Ilays
SPR Radio
Dhamaanba Warbaahintaasi ayaa ah kuwo maxali ah oo ku kooban gudaha dalka,waxaa sheegid mudan in inta badan Idaacadaha Puntland ay ku baaheen inta badan gobolada Puntland.

Waxaa jira Websiteyo Soomaaliyeed oo ku talaabsaday horumar baaxadwayn isla markaasina si isdaba jooga u qora xogta dhacdooyinka ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Xoghayaha ururka Saxaafiyiinta Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in marka diirada la saaro Saxaafada Puntland uu jiray koboc Warbaahineed, hasa yeeshee tayada Saxafiyiintu ay aad u liidatay.

Xoriyada Saxaafada Puntland ayaa ah mid aan gaarsiisanayd heerkii loo baahnaa, waayo waxaa jiray muddooyinkii ugu dambeeyay Saxafiyiin lagu xirxiray Deeganada Puntland.

Koonfurta dalka
Koonfurta wadanka Somaliya ayaa waxa ka shaqeeya waqtigan Idaacado iyo joornaalo intooda badan ku kooban magaaada Muqdisho ee caasumadda dalka Somaliya.
Warbaahintaasi ayaa waxaa ka mid ah;
1 Shabelle
2 Radio Muqdisho oo ku hadasha codka dowlada
3 Tusmo
4 Radio Banaadir
5 Simba
6 Dannan
7 Codka Nabadda
8 Xurmo
9 Vod
10 Al-furqaan iyo Quraanka kariimka oo ku hadla codka kooxda ka soo horjeeda DKMG ah ee Somaliya ee al'shabaab
Waxaa xusid mudan in la bililiqaystay Idaacdaha kala ah:
1 Horn Afrik
2 Capital Voice
3 Somali wayn
4 GBC oo dhamaantood  ku yaala magaalada Muqdisho.
Magaalada muqdisho sidoo kale waxaa ka soo baxa saddex joornaal oo kala ah:
Wargayska Xog-ogaal iyo horyaal oo ah laba wargays oo ka kala hadla arimaha siyaasada iyo cayaaraha iyo Wargayska Dalka oo ku hadla afka dowlada DKMG ah ee Somaliya
Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxa ku yaala Radio Jowhar,halka Gobolka Hiiraana ay ku taalo Idaacada lagu magacaabo Codka Hiiraan.
Gobolada Dhexe ee dalka Somaliya ayaa waxa ku yaala saddex Idaacadood oo kala ah:
Radio Dhambaal
Radio Caabudwaaq
Radio Badbaado
Gobolka Jubada Hoose, Bay iyo Galgaduud ayaa waxa ka hawl gala Idaacad lagu magacaabo Andalus oo ku hadasha codka xarakada Al'shabaab.
Gobolka Gedona waxaa ku yaala hal Idaacad oo lagu magacaabo Markabley.

Tayada Saxafiyiinta ku nool Koonfurta wadanka ayaa u muuqanaysay wixii ka dambeeyay Burburkii mid sii kobcaysay,walow muddooyinkii ugu dambeeyay uu hoos dhac baahsan salka u dhigay.

Koonfurta wadanka kama jirto xoriyad Saxaafadeed, waxaana Saxafiyiintu ay shaqadooda ay tahay mid u jaban hadba xaalada ka jirta goobta ay ku shaqanayaan.
Waxaa la dhihi karaa xoriyada Saxaafada Koonfurta ayaa ah mid aad u yar sida ay tilmaamen aqoon yahano u dhuun daloola Saxaafada Somalida.
Deegaanada Somaliland
Gobolada Waqooyi ee la magac baxay Somaliland ayaa waxa ka hawl gala 12 joornaal,hal Idaacad iyo saddex Tv oo dhamantoodba ku soo ururay magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Waxaana ay kala yihiin:
1-Geeska afrika
2-Haatuf
3-Hargaysa Star
4-Ogaal
5-Maandeeq oo ku hadla afka Dowlada
6-Jamhuuriya
7-Saxan-saxo
8-Republic
9-Hargaysa Times
10- Hubsad
11- Waaheen
12- Yool
13- Radio Hargaysa iyo Tvga Qaranka oo ku hadla codka dowlada
14- Horn Caple Tv
15- Somaliland Channel
Warbaahinta ka hawl gasha Somaliland ayaa ah mid si wayn uga badalan saxaafada ka hawl gasha Deeganada Puntland iyo Koonfurta wadanka Somaliya, sababtoo ah Saxafada ka hana qaaday Waqooyiga dalka ayaa ah mid u badan Jaraa'ido.

Xoriyad saxaafada ee ka jirta Somaliland ayaa ah mid inta badan ku kooban jaraa'idka kasoo baxa deegaanadaasi marka loo barbardhigo Puntland oo dhanka idaacadaha u badan, hayeeshee inta badan cadaadis uga yimaada maamulada, halka Koonfurta dalka Soomaaliya ay tahay meelaha ugu badan oo ka dhacaan dhibaatooyinka soo gaara saxaafadda.

Laakiinse xoriyadaasi ayaa waxa ay keentay in Saxafiyiinta ka hawl gala Waqooyiga dalka ay mar mar ilaawaan anshaxa Saxaafada.


Gabagabo


Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Ururka MAP ayaa sheegay in 38 sano laga joogo maalintii loo asteeyay maalinta Saxaafda Somaliyeed, wuxuu sheegay in la filan karayo 38 sano ka dib Saxaafada Soomaaliya in ay noqoto mid timaada halka laga filayo.

Wuxuu sheegay in horumarka Saxaafad uu la jaan qaadayo hadba sida sharci iyo kala dambayn looga helo gudaha cariga Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Saxaafada Somalida ee ka hawl gudaha dalka ayaa foolanaysa in ay ku talaabsato horumar baaxad leh muddooyinka fooda inaku soo haya.

 

Waxaa Diyaariyay:-

MM Shooble
E-mail: shooblecade143@hotmail.com
Tel:0615493234

Xafiiska Warabadka Muqdisho

 

www.barmuudo.com

Xafiiska warqabadka Muqdisho

 


Xafiiska warqabadka Muqdisho