Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Barcelona Oo Meesha Ka Saartay Inaysan Waligoodna Dalban Doonin Ronaldo Madaama Ay Heystaan Messi


Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa aysan marnaba ku fekeri doonin inay u dhaqaaqaan Cristiano Ronaldo, sababtoo ah boos ugama banaano ayuu yiri garoonka Camp Nou.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Portugal ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee haatan laacibnimada adduunka kula tartamaya xiddiga sannadka adduunka Lionel Messi, taasoo keentay in dadka qaar ay ku fekeraan hadii ay labadooda hal koox u wada ciyaari lahaayeen.

Si kastaba, Bartomeu ayaan aaminsaneyn in tababaraha Barcelona uuu awoodi karo inuu boos uga raadiyo kooxdiisa ciyaaryahan Ronaldo.

“Ma keeni doono isaga halkaan” ayuu u sheegay Catalunya Radio .

“Waa ciyaaryahan aad u fiican, waa xiddig weyn, lakiin haatan boos ugama banaana kooxdaan”

“Waxaan heysanaa laacibka adduunka ugu fiican, waa Leo Messi waana nin aan la bedeli karin” ayuu yiri.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid oo lagu qiimeeyo kooxaha adduunka ugu waa weyn haatan ayaa kulanka El Clasico waxa uu 10ka December ku dhexmari doonaa Santiago Bernabeu.

 

Waxaa Diyaariyay:
MM Shooble

Email-shooblecade143@hotmail.com

Tel:0615493234

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

Xulka Wararka