Wararka Maanta
C/Weli Xasan (Tarabatooni)
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992
Baro xiddigii soo maray naadigii Kubbadda Cagta MBC, xageese ku dambeeyeen 3 xagalkii naadigaasi Nuur Amiin, Muriidi iyo Eenow?!!
Tacsi tiiraanyo leh: Allaha u naxariisto Eng. Axmadey Saney

News barmuudo.com Xubinteena Maanta ee Isboortiga waxan ku eegeynaa Naadigii Kubadda Cagta MBC,Naadigaan oo Garoomada Konis Istaadiyum iyo Muqdisho Istaadiyum Wacdaro ka dhgi Jiray,isla markaana Taagerayaal fara badan ku lahaan jiray Dhinaca Kubadda Cagta,waxaana Galabta ay Madbacadu ciyaareyso si gaar ah Taagggeryaasha Kooxdaasi u sii hadal Heyn jireen Kubadii 3 Xagalka aheyd ee ay isku dhiibi jireen Nuur Maxamed Amiin oo hada dagan Adis Ababa,Muriidi Abanuur Abati oo isna dagan London iyo Cabdulaahi Maxamuud Sarxaan' Eenoow' oo isna Dagan Helisink,waxaana 3 daasi xidig ay ka mid ahaayeen Lafdhabaradii Kooxdaasi,walow Muriidi Abanuur Abati ay si gaar ah. Tagaeerayaasha Naadiga ay ugu yeeri jireen Maaradoonihii Soomaaliya maadama Qaab Ciyaareedkiisa uu ahaa mid indhuhu soo jiidan jireen Farsamo Wanaagsana la soo shirtagi jiray isagoo waliba kubadaha uu Eenow shabaqa taabsiin jiray soo dhigi jiray.

Naadigaan oo uu Daahfuray dhinaca Tababaraha Macalin Giftn oo ahaa Warshadii soo saartay Xidigihii Madbacada u qaaday Horyaalkii 1982-1983 ayaa waxaa xusid mudan in sidoo kale ay soo mareen Tababarayaal kale sida AUN Cumar Canjeste,AUN Kobeey,Coonka,Cade Gaaboow,David Oti iyo Tababare AUN Kobeey,iyo Ottiisagu jiray Soomaali iyo Ajnabi.

Maxamed Ducaale Ciise oo ah aqoonyahan soomaliyeed oo soo Taageerayay Kooxdaasi ilaa markii ay aheyd Heerka 2aad ayaa sheegay In Kooxda MBc ay u ciyaari jireen Dayar wax la qeybsan jiray Kooxihii Waaweynaa ee ka horeeyay sida Horseed,LLPP,Badda,Gaadiidka,Wagad,Muqdisho,Waxaana Markii danbe ay keentay in Madbacadu ay yeelato Taageerayaal aad u fara badan oo si weyn u soo camiri jiray Garoomada Kubadda cagtta.

MR.Ducaale waxa uu sheegay inuu u soo joogay Guulihii Kooxdaasi iyo Koobabkii ay qaaday isagoo Tilmaamay inay ku timid arintaasi Dadaal fara badan iyo juhdi naadiga la galiyay iyo xidigihii u safan jiray Kooxda oo ku shaqeeyay si isku duubni leh isagoo mahadcelin u jeediyay dhamaan ciyaartyda Kooxdii Madbacadda iyo Macalinkoodii Giftin oo uu sheegay inuu ahaa hindisihii ka dambeeyay Heerka kooxdu ku talaabsatay.

Hadaba Xidigii soo Maray Madbacada Bangiyada iyo Ceymiska' MBC' waxaa ka mid ahaa.

Goolhaye Karaama Dhageey

Muriidi Abanuur Abati

Nuur Maxamed Amiin

Eenoow

Cabeey

Muler

Xasan Atooroos

Dooli

Abuukar Islow

cabdulqaadir Isnaay

arjantiin

baynax

Majabe

Shiilkha

AUN Cumar wiinkeey

AUN Cali Yuusuf

Bile cali

Cade iikar

Macow

Abuukar islow Kabtankii Kooxda MBC kana ciyaari jiray Difaaca Lambarka 5 ayaa sanooyinkii ugu Dambeeyay waxa uu noqday Hogaamiye dhaqameed isagoo lagu caleemo saray deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'

Uurdoox2011@hotmail.com


Xafiiska warqabadka muqdisho