Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni 0615749191
 
Qubanayaal
Somali Links

Pictures, Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992, Wargeys madaxbanaan Tell: 252-50-419358 /2521-5888686 infobarmuudo@hotmail.com
Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka All Arab Games iyo Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga oo ka warbixiyy furitaanka tartanka

Magaalada Doxa ee wadanka Qadar waxaa ka furmay tartanka dalalka Carabta ee 2011-ka, tartankaasi waxaa ka qeyb gelaya saddex xiriir oo ka tirsan Oloympicada Soomaaliya, gaar ahaan xiriirada Shataranjiga (Chesska), Gabdhaha Kubadda Koleyga iyo Orodada, iyadoo furitaanka tartanka All Arab Games ay ka soo qeyb galeen madax kala duwan oo ka socota wadamada Carabta...Sii Akhri

Falanqeynta Kulamada Horyaalka Ingariiska Ee Premier League Ee Todobaadkan La Ciyaarayo

Kooxda Chelsea ayaa waxa ay u safri doontaa Newcastle United iyadoo tababare Andre Villas-Boas uu isku dayayo inuu kooxda ku soo celiyo wadadii guusha, islamarkaana ka warqaba in guuldarro kale aysan u noqon kooxda reer London. ...Sii Akhri

David Beckham: "Manchester City Fursad Uma Heysato Xilli Ciyaareedkan Inay Qaado Premier League".

Ciyaaryahan David Beckham ayaa aaminsan in kooxda Manchester City aysan wax fursad ah u heysan inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan, inkastoo ay hogaanka ku hayaan shan dhibcood oo nadiif ah 13 kulan oo ay ciyaareen.

36 jirkaan ayaa sheegay in lacagtooda badan iyo kooxdooda wanaagsan marka laga soo tago in City aysan ku guuleysan karin horyaalka, waxaana uu sheegay in kooxdiisii hore ee Manchester United inay ka qibrad badan tahay oo ay taqaano sida loogu guulyesto Premier League...Sii Akhri

Pep Guardiola: "Waa Inaan Horumar Sameynaa, Ama Real Ayaan Horyaalka U Waayi Doonaa"

Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa ay u baahan tahay inay sameyso horumar si ay u difaacdaan horyaalka La Liga mar kale.

Kooxda ka dhisan Camp Nou ayaa haatan waxa ay lix dhibcood ka danbeysaa kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid ka dib markii sabtida ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Getafe... Sii Akhri

Kulamada Champions Leagu, kooxaha ciyaaray iyo kuwa dhiman halkaan kala soco

Seddex kooxood ayaa xaqiijistay booskooda wareega 16ka AC Milan, Barcelona iyo Real Madrid. Si kastaba kulamadii xalay ka dib Bayern Munich, Benfica iyo Inter ayaa noqday seddexda kooxood ee ugu danbeysay ee booskooda 16ka buukintay.

Kulamada caawa, shan kooxood ayaa iyagana u gudbi kara wareega 16ka. Chelsea tiket ma u goosan doontaa wareega 16ka? Arsenal ma ku biiri doontaa deriskooda reer London? Kooxda Laga yaaban yahay ee APOEL kaalinta koowaad... Sii Akhri

Cayaartan oo ahayd mid aad xamaasad u lahayd isla markaana shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si weyn ugu dheg taagayeen in xulkooda qaranka tartankaasi ka soo hoyn doono guulo taariikhda gala waxaa bedelkeeda galay in lagu durduriyo isla markaana loo diido inay xitaa hal gool ka dhaliyaan xulka Itoobiya oo markaasi ay wada ciyaarayeen.

Qaar ka mid ah taageerayaasha xulka Soomaaliyeed iyo dhammaanba dadweynaha Soomaalida ayaa iyagu siyaabo kala duwan uga.... Sii Akhri

Xulka Warka
10 unique visits