Wararka Maanta
C/Weli Xasan (Tarabatooni)
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992
Baro xiddigihii soo maray naadigii K/Cagta MBC

Cristiano Ronaldo oo lagu qasbayo inuu dib ugu laabto Man United

Sanadka 2011

News barmuudo.com: Kadib markii ay taageerayaasha Man United dhowaan ay qaabileen waayeelkoodii hore Paul Scholes ayey markale taagerayasha United waxaa lagayaba in si kadis ah ay kuhelan wiilkkoodii qaaliga ahaa Cristiano Ronaldo.

Sida ay soo qortay maanta jariirada AS ee kasoo baxda magaalada Madrid taageerayasha Real ayaa six un udaba dhigtay Ronaldo.

Wadooyinka Spain sidii hore uma mari karo waxaa lagu caayay tababarka,waxaa sidoo kale loo soo diraa fariimo aflagado ah markii uu ciyaarayana sacab loo tumo iska daye waa lagu oriyaa.

Dowlada ayaa xakameysay dhaqaqiisa mana heysto fursadii uu kusocon jiray waqtiyada la joojiyo socodka dad weynaha, baararka damashadka ayaa lagu yareeyay muqaaladiisa.

Hadaba tafaftiraha jariirada AS ayaa is weydiiyay sababta Dowlada Spain iyo taageerayasha Madrid ay Ronaldo ugu qasbayan in uu habeen madow kabaxo Madrid oo uu kulaabto kooxdiisii hore Man United.

Dhowr siyaabood ayaa loo maleynaya mida koowaad waa in Ronaldo uu kuguul dareystay in uu Real kaceliyo Barca isna uu kufashilmay in uu wax laqeybsado Messi.

Hadaba si ay udhacdo mid lamida dhacdadii dhacday 2001-dii markaas oo Real ay Barca silayab leh uga soo qaadatay ninkii ay kuduuleysay ee Luis Figo waa in marka hore ay lumiyaan Ronaldo si ay usoo qaataan Messi taas oo ay aamisan yihiin in ay dhici karto hadii uusan kooxda joogin laacib weyn oo Messi laxafiil tama.

Ronaldo waxaa ay ubadan tahay hadii uu sii jiro kacdoonkaan in uu ulaabto Man United sida ay qortay AS.

Wakiilka Ronaldo ninka lagu magacabo Jorge Mendes waxaa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeya mamulka United kaas oo Old Trafford keenay 8 sano ee lasoo dhaafay Cristiano Ronaldo, Nani, Anderson, David de Gea iyo Bebe.

Waxaa uu dhowaan sheegay in ay macquul tahay in uu xidigaan si layaab leh ugu laabto kooxdiisii hore Man United.


Diyaariye: C/Wahaab Maxamed Ibraahim
info@barmuudo.com
Muqdisho - Soomaaliya

 


Xafiiska warqabadka Muqdisho