Ciyaaryahan David Beckham ayaa aaminsan in kooxda Manchester City aysan wax fursad ah u heysan inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan, inkastoo ay hogaanka ku hayaan shan dhibcood oo nadiif ah 13 kulan oo ay ciyaareen.
36 jirkaan ayaa sheegay in lacagtooda badan iyo kooxdooda wanaagsan marka laga soo tago in City aysan ku guuleysan karin horyaalka, waxaana uu sheegay in kooxdiisii hore ee Manchester United inay ka qibrad badan tahay oo ay taqaano sida loogu guulyesto Premier League.
“Ma qabo in Manchester City ay fursad u heysato hanashada horyaalka” ayuu Beckham u sheegay suxufiyiinta, iyadoo kooxdiisa LA Galaxy ay booqasho ku mareyso Asia.
“Xilli ciyaareedkan waxa ay heystaan koox fiican, iyo ciyaartoy fiican, lakiin Manchester United waxa ay heystaa qibrad ka badan tooda, waana ay yaqanaan sida loogu guuleysto horyaalka” ayuu hadalkiisa raaciyay.
City ayaa ilaa iyo haatan ugu guulo badan horyaalka, iyadoo 6-1 ku dardaray kooxda deriskooda ah ee United, lakiin waxa ay dhibaato kala kulmayaan Champions League, ilaa iyo nasiibka uu saacido oo ay ka badiyaan Bayern Munich islamarkaana Villarreal ay ku dhegto Napoli.
Beckham, oo booqashada Asia ka dib uu dhacayo qanadaraaskiisa uu kula jiro kooxda LA Galaxy ayaa lala xiriiriyay kooxo badan yurub ah oo ay ku jiraan AC Milan iyo Paris St Germain. Waxa uu sheegay inuu u baahan yahay inuu noqdo ciyaaryahan taam ah, isagoo isha ku haaya inuu qeyb ka noqdo xulka Great Britian ee ciyaaraha Olimbikada London ka qeyb galaya 2012.
Waxaa Diyaariyay:
MM Shooble
Email-shooblecade143@hotmail.com
Tel:0615493234
Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com
|