Halkani waa degmada h/wadaag oo beri ahaan jirtay hooyada degmooyinka ku yaala magaalada muqdisho xaga bilicda dhismaha,ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha balse haatan waxey noqotay mid ka mid ah degmooyin ugu burburka badan magaalada muqdisho.
Degmada h/wadag sida idiin wada muuqata waxaa gaaray bur bur xoog leh mudadi sedexda sano aheyd ee qaxa looga maqnaa.
Mar uu booqday website ka barmudo deymadani waxaad ku arkeysa guryihi oo inta ugu badan noqdeen goobo bahala galeen ah oo ay eeyaha kugu cunayaan halka guryaha qaar ay noqdeen wado iyo geedka loo yaqaan cali garoobka oo gabi ahan qariyay bilicdii degmada walow aad ku arkeyso qoysar fara ku tiris ah oo degan kadib dagaladi ka dhacay halkasi hase ahaate degmada h/wadag haatan waa mid nabdoon oo kama jiraan wax dagaal ah balse waxey tahay su'aasha is weydiinta mudan degmada h/wadag ma noqon doontaa degmadii lagu yaqaanay bilicda iyo ganacsiga?!!.
.JPEG)
.JPEG)
.JPEG)
.JPEG)
.JPEG)
.JPEG)
.JPEG)
Waxaa Qoray:
Yuushac Cali sheikh (Yuu Cali)
Tel +252615571316
E-mail: yushac@hotmail.com
Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com
|