News Barmuudo:- Waxaa si rasmi ah gelinkii dambe ee maanta usoo gebo geboobay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir ee ka soconayey garoonka kubadda Cagta Banaadir Stadium (Ex-Konis) degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayadoo ciyaartii ugu dambeysay ee Finalkana ay isaga hor yimaadeen degmooyinka Yaaqshiid VS Dharkenley.
Garoonka ayaa waxaa si aad ah usoo camiray taageerayaal kumanaan kun gaaraya kuwaasi oo ah taageerayaashii ugu badnaa ee Sanadahan Muqdisho garoon kubadeed oo ku yaala isugu yimaadaan ayadoo ciyaartanna ay si gaar ah xusid ugu laheyd inay tahay ciyaartii ugu horeysay ee mudooyinkan ay Madax iyo shicib si isku mid ah u daawadaan maadaama uu garoonka ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan(Weerar iyo Weerar Celis) waxaana Ciyaartooyda degmada Dharkenley usuurta gashay qeybtii hore ee ciyaarta inay la wareegaan hogaanka Ciyaarta kadib markii ay la yimaadeen gool kaasi oo ahaa Bulusiyoon uu u dhaliyey ciyaaryahankooda u sita lambarka Tobnaan ayadoo goolkaasina ay Ciyaarta kusoo gebo gebowday oo ay sidaa koobka degmooyinka ku hanteen Ciyaartooyda degmada Dharkenley.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markii ay ciyaarta soo gebo gebowday la hadlay Shacabkii garoonka isugu yimid ayaa tilmaamay in tani ay muujineyso isbedelka ka jira Muqdisho balse looga baahan yahay shacabka iney difaacdaan guusha hada la hayo waxaana uu dhanka kale Madaxweynuhu kula dardaarmay Xiriirrada Kubadda iyo Maamulka gobolkaba iney badiyaan Tartamada noocaan ah.
Mas'uuliyiinta kale ee ku sugneyd garoonka ee la socotay Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirrada Warfaafinta,Arrimaha Gudaha,Sportiga,gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiil dhanka Ciidammada ah.
Guud ahaan tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo gebo geboobay jawi wanaagsan oo farxad xambaarsan waxaase xusid mudan in dhamaadka ciyaartii maanta uu gudoomiyaha degmada Wadajir Mudane Axmed Xasan Cadoow (Axmed-Daaci) uu lacaggo abaal marin ah gudoonsiiyey Ciyaartooyda iyo Tababaraha degmada Dharkeenleey,Ciyaartooyda degmada Yaaqshiid iyo gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo uu gudoonsiiyey lacag 200$ .
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu tartankan horey u furay ayaa ciyaartooyda degmooyinka Dharkeenley iyo Yaaqshiid waxa uu gacantiisa ku gudoonsiiyey bilado taasi oo Madaxweynuhu ciyaar yahan walba qoorta uu u suray halka ugu dambeyntiina kabtanka degmada Dharkenley uu Madaxweynuhu koobka gudoonsiiyey.















    
Xafiiska warqabadka muqdisho
Waxaa soo saaray:-
MM Shooble
Tel-0615493234
Email- shooblecade143@hotmail.com
|