News barmuudo: Maroodigii Afrika ee Wadanka Ivory Coast waxa uu ka mid yahay 16ka Wadan ee Sanadkaan 2012 ka qeybgalayaa Koobka ay wadajirka u martigalinayaan Mataanaha Gaambiya vs Equatorial Gani kaasoo qabsoomi doona hadii alle idsmo,waxaana Xidigahah Ivore coast Horkacaya weerarayhan Drogba iyo Xidaga Qaaradda Afrika ee sanadkaan Yaya Toure.
Tababare Francois Zahoui Rajo Macalinka Wata Xulak Maroodiyaasha Afrika hami weyn ayaa sanadkaan uga jira Hanashada Kooba Qaramada afrika 2012 Maadaama Masaaridii ay maqan tahay Xulal kaloo adagna aysan ka dhex muuqan Koobkaan sida Koonfur afrika,Neyjeeriya,Aljeeriya.
Marka mid mid loo fiiriyo Xidagaha isku urusanaya Caasimadda Ivore Coast ee Abadijan waa kuwa aan shar yareyn oo waliba intooda badan ay halboowle u yihiin Naadiyadooda waxaana Marag Madoonta ah hadii ay xoojiyaan Isku xirkooda Kubad wanaagsana ay la soo shirtagaan inay adkaaneyso Xul iska caabiya marka laga reebo Plack Stars oo logu yeero Xulka Gaana.
Hadaba Su aasha la isweydiinayo waxa ay tahay riyada Koobkaan Hanashadiisa ee Xulka maroodiyaasha Qaaradda Afrika Ma rumoobi doontaa Maadam Xili hore ay ugu Dambeysay Koobkaan
Xidigaha ugu Cad cad Xulka Ivore Coast waxaa ka mida Drogba kabtanka Xulka,Yaya Toure,Kolo Toure,Eboau,Kalou,Gervinho, Bakari kone,Aruna Kone, A.Keita, Marco Ne,.Tiote,Zakoro,Goolhaye Bakari.
Xulka Ivore Coast waxa uu ku jiraa Guruub B oo ay kula kulan san yihiin Xulal adag sida Xulka Suudaan,Angola iyo Burkino Faso.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
|