Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Falanqeynta Kulamada Horyaalka Ingariiska Ee Premier League Ee Todobaadkan La Ciyaarayo

Kooxda Chelsea ayaa waxa ay u safri doontaa Newcastle United iyadoo tababare Andre Villas-Boas uu isku dayayo inuu kooxda ku soo celiyo wadadii guusha, islamarkaana ka warqaba in guuldarro kale aysan u noqon kooxda reer London.

Iyagoo laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen garoonkooda, Chelsea waxa ay u safri doontaa waqooyi bari England sabtida, iyagoo doonaya inay weli sheeda ka ilaashadaan labada kooxood ee Manchester ee horyaalka u horeeya, lakiin waxa ay ka horimaanayaan koox ilaa iyo haatan hal kulan kaliya laga soo badiyay.

“Si rajadeena Premier Leageu ay u noolaato waxaan u baahanahay inaan ciyaaraha December ka faa'ideysano” ayuu yiri Villas-Boas oo kooxdiisa ay kaalinta shanaad ku jirto islamarkaana 10 dhibcood waxa ay ka danbeeyaan kooxda Manchester City.

Ciyaaryahan Fernando Torres ayaa lagu wadaa inuu kursiga keydka ku bilaaban doono mar kale, ka dib markii weeraryahanka dhibtoonaya uu ku bilowday kulankii guuldarada ka soo gaartay Liverpool ee League Cup.

“Waqti ayay qaadan doontaa, Fernando waxa uu wajahayaa waqti adag, waa inuu tartamaa sababtoo ah xilligan la joogo Didier Drogba ayaa soo bandhigaya calaamado wanaagsan” ayuu yiri AVB.

Newcastle, ayaa dhinaca kale iska ilowday guuldaradii Manchester City ka soo gaartay xilli ciyaareedkan ka dib markii ay todobaadkii hore barbaro ku qabteen kooxda Manchester United.

Iyadoo Chelsea ay isku dayi doonto inay wadada guusha ku soo laabato, kooxda aan weli laga badin ee Manchester City ayaa iyagana ugu yaraan u baahnaan doona inay sii xajiyaan hogaankooda shanta dhibcood marka ay martigelinayaan sabtida kooxda Norwich City.

Tababare Roberto Mancini ayaa laga yaabaa inuu nasasiiyo qaar badan oo ka mid ah ciyaartoydiisa muhim ah marka ay la ciyaarayaan kooxda ka timid heerka labaad, iyagoo isku diyaarinaya kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan kooxda Bayern Munich.

Kooxda ay deriska yihiin ee Manchester United oo guuldarro ay ka soo gaartay Crystal Palace arbacadii koobka League Cup ayaa sidoo kale hal il ku heyn doonta koobka Champions League marka ay u safrayaan Aston Villa.

Xilliga ay ciyaartooda bilaabaneyso waxaa laga yaabaa inay ku jiraan kaalinta seddexaad, waa hadii Tottenham oo haatan labo dhibcood ka danbeysa ay White Hart Lane ku garaacdo kooxda Bolton, oo ah ciyaar hordhaceysa ka hor inta Man United iyo Aston Villa aysan kulmin.

Kooxda ay Spurs ay xafiiltamaan ee Arsenal, oo sida City, United iyo Chelsea aan walwal ka qabin Champions League madaama ay xaqiijisteen booskooda wareega 16ka ayaa waxa ay u safri doonaan Wigan iyagoo maanka ku haya kaliya ciyaarta Premier League.

Kooxda Arsene Wenger waxa ay ku jirtaa kaalinta 7aad iyadoo leh 23 dhibcood waxaana ay isku dhibco yihiin kooxda kaalinta lixaad ee Liverpool oo isniinta u safreysa Fulham.

Kulamada Horyaalka Ingariiska:

*Waqtiga waa kan geeska Afrika

Sabti:

15:45

Newcastle U.

? – ?

Chelsea


 18:00

Blackburn R.

? – ?

Swansea C.


 18:00

Manchester C.

? – ?

Norwich C.


 18:00

Queens Park R.

? – ?

West Bromwich A.


 18:00

Tottenham H.

? – ?

Bolton W.


 18:00

Wigan Athletic

? – ?

Arsenal


 20:30

Aston Villa

? – ?

Manchester U.

Axad:

18:00

Everton

? – ?

Stoke C.


 19:00

Wolverhampton W.

? – ?

Sunderland

Isniin:

23:00

Fulham

? – ?

Liverpool

 

Waxaa Diyaariyay:
MM Shooble

Email-shooblecade143@hotmail.com

Tel:0615493234

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

admin