Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfurta dalka Suudaan ayaa maanta deeq raashin ah soo gaarsiiyay qaar ka mid ah qoysaska degan gobolka Bakool, waxaana kaalmadaasi gacantooda gelisay hay'adda maxalliga ah ee lagu magacaabo SACAADA.
Qoysaska degan gobolka Bakool ee iyagu maanta helay deeqda ayaa tiradooda waxay ahayd 1000-qoys, kuwaasi oo ay soo riteen abaaraha ka dhacay dalka Soomaaliya, iyagoona xaaladooda nololeed ay ahayd mid aad u liidato isla markaana halkii qoys waxaa la siiyay min 25Kg oo isugu jira Bariis,25kg Bur iyo 6-Liitar iyo bar Saliid ah iyo 10kg sokor ah.
Xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaalida K/Suudaan Md. C/Xakiim Macallim axmed ayaa sheegay in deeqda ay maanta u qeybiyeen qoysaska degan gobolka Bakool ay iska soo ururiyeen ganacsatada Soomaaliyeed isla markaana ay isaga soo wakiisheen, wuxuuna sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay sii wadayaan tabarucaada dadka ku dhibaateysan dalka gudihiisa oo ay abaaraha saameeyeen.
"Waan sii wadeynaa ilaa iyo inta uu jiro qoys Soomaaliyeed oo ay abaaraha saameeyeen" ayuu yiri C/Xakiim Macallim Maxamed oo sheegay dhinaca kale in guddiga ganacsatada K/Suudaan ay dadaal ugu jiraan sidii ay walaalahooda u caawin lahaayeen kaddib markii sida uu sheegay Xukuumadda cusub ee Koonfurta wadanka Suudaan aqoonsatay guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Suudaan.
Dhinaca kale madaxa Hay'adda SACAADA Ismaaciil Macallim Cabdi ayaa isna ka hadlay deeqda ay maanta u qeybiyeen qoysaska ay abaaraha ku habsadeen ee ku nool gobolka Bakool, isagoona tilmaamay in xaaladda baahida ka jirta gobolka ay tahay mid aad u badan isla markaana waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo dadka wax heysta ee Soomaaliyeed, hay'adaha gargaarka iyo kuwa samafalkaba inay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka ku baaba'aya gobolada Bay iyo Bakool.
Qaar ka mid ah qoysaska maanta la gaarsiiyay deeqda ay soo dhiibeen ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Suudaan ayaa waxay u mahad celiyeen dhammaanba intii gacanta ka geysatay taakuleynta ay la soo gaareen walaalahooda Soomaaliyeed, iyagoona ugu baaqay sidoo kale jaaliyadaha dibadda iyo cid kasta oo heysata inay u soo gurmadaan.







Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com
|