Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Guddiga Gumadka Abaaraha ee Xarakada Al-shabaab oo maanta gargaar ka bixinaya Xerada Aala-Yaasir


Mas'uuliyiinta guddiga gurmadka abaaraha ee Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay maanta gargaar bani'aadamnimo ka qaybin doonaan xerada Aala-Yaasir oo ku taalla deegaanka lambar 50 ee duleedka Muqdisho.

Xeradan ayaa waxaa ku jira 7,000 oo qoys oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha iyadoo mas'uuliyiinta ay sheegeen in 1,700 qoys oo ka mid ah qoysaskan ay maanta dib ugu celinayaan deegaannadii ay kasoo barakaceen si ay u fashaan beerahooda iyagoo ka faa'iideysanaya roobabka dayrta ee billowday.

"Waxaan maanta gargaar bani'aadmanimo u qaybinaynaa barakacayaasha ku jira xerada Aala-Yaasir ee gobolka Shabeellada hoose, waxaana gargaarka la siin doonaan 7,000 oo qoys oo ku jira xeradaas," ayuu yiri Inj. Ow-gaab oo ah madaxa guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Shabeellada hoose oo saxaafadda la hadlay.

Inj. Ow-gaab wuxuu sheegay in raashinka ay u qaybin doonaan barakacayaasha uu kala yahay: bur, bariis, baasto, sokor iyo saliid, isagoo intaas ku daray in qoys walba la siin doono raashin uu ku noolaado muddo bil ah.

Ma uusan sheegin halka uu gargaarkan kasoo gaaray, waxaase dhowr jeer oo hore loo qaybiyay dadka ku jira xerada Aala-Yaasir gargaarro kala duwan oo qaarkood ay ku deeqday dowladda Turkiga iyo kuwo ay ku deeqeen hay'ado gargaar.

Xaradaka Al-shabaab ayaa sameysay xeradan oo ah midda ugu weyn gobolka Shabeelada hoose muddo saddex bilood ah ka hor markaasoo ay hirar dad ah oo kasoo cararay abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfurta Soomaaliya ay soo aadeen dhinaca magaalada Muqdisho.

 


Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

admin