Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Hay'adda ADT Soomaaliya oo maanta deeq gaarsiisay Isbitaalka Jaamacadda Muqdisho

Hay'adda African Development Trust (ADT) ayaa maanta deeq gaarsiisay isbitaalka Jaamacadda Muqdisho, waxaana deeqdaasi oo ahayd gaari Mini Bus nooca Carvan loo yaqaano oo Ambulance ah ku tabarucay isbitaalka Dr. Tazeen Osman iyo Bilaal Bhatti.

Deeqda oo loo soo wakiishay inay gaarsiiso isbitaalka Jaamacadda Muqdisho Hay'adda ADT Soomaaliya, iyadoona Guddoomiyaha hay'adaan Mudane C/raxmaan Sheekh ku wareejiyay gaarigii Ambulanc-ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Abubakar oo u mahad celiyay deeqdaasi dhammaanba dadkii soo dhiibay iyo har'adda ADT Soomaaliya ee soo gaarsiisayba.

Guddoomiyaha Hay'adda African Development Trust (ADT Somalia) Mudane C/raxmaan Sheekh oo ka hadlayay munaasabadda guddoonsiinta deeqdaasi ayaa sheegay in gaariga Ambulance-ka ah uu ka caawinayo laba arrimood, waa tan koowaade Isbitaalka Jaamacadda qeybteeda caafimaadka inay kalkaaliyeyaasha u adeegsadaan meel kasta oo uu shil ka dhaco iyo midda labaad oo ah in loo adeegsado shilalka ka dhaca magaalada ee dadka rayidka ay ku waxyeeloobaan inuu u sameeyo gurmad caafimaad oo degdeg ah.

"Hay'adda ADT Somalia waxay gacan ka geysaneysaa isbitaal weyn oo Jaamacadda Muqdisho leedahay" ayuu yiri Guddoomiye C/raxmaan Sheekh oo sheegay in horumarinta arrimaha caafimaadka ay tahay sheyga ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed laga caawiyo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr.Cali Sheekh Abubakar oo isna ka hadlay munaasabadda deeqda lagu siinayay ayaa sheegay in deeqdaani tahay midii ugu horeysay ee la soo gaarsiiyo, isagoona ugu baaqay dhammaan hay'adaha gargaarka caalamiga ah, ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax heysata ay ku dayato hay'adda ADT Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

admin