Wararka Maanta
C/Weli Xasan (Tarabatooni)
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992
Waa maxay dal qiimihii?!!
Dibadbaxa dhallinyarada Muqdisho ay dhigeen
Baro xiddigihii soo maray naadigii K/Cagta MBC
Kooxo hubeysan oo Gaalkacyo ka afduubtay nin ajnabi ah, iyadoo Galmudug ku guuleysatay inay sii deyso
Sanadka 2011

News Barmuudo.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ka afduubteen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee uu ka arimiyo maalmulka Galmudug nin ajnabi ah.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Gaalkacyo oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Nuur ayaa xaqiijiyay inuu arkay kooxo hubeysan oo ka dajiyay gaari uu la socday isla markaana saartay gaari ay wateen nin cadiin afduubka Ninkan ayaa yimid kadib markii uu maalinimadi shalay kaso dagay garoonka diyaaradaha ee gaalkacyo asaga oo u yimid howlo gargaar sida uu webka barmuudo u xaqiijiyay sargaal ka tirsan ciidanka booliska.

Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo u waramay warbaahinta barmuudo asago qariyay magaciisa ayaa sheegay in uu ninkaan la afduubtay ahaa injineer xaga dekadaha isla markana u yimid sida uu u qiimeyn ugu sameyn lahaa dib u dhis la rabo in lagu sameeyo Dekadda hobyo ee maamul Goboleedka Galmudug.

Lama oga cida ay yihiin kooxdani afduubka u geysatay ninka cadaanka ah hase yeeshee waxaa looga shakisanyahay burcad badeed, iyadoona maanta la sii daayay kaddib wadahadalo ay yeesheen wakiilo ka socda maamulka Galmudug iyo kooxaha afduubtay injineerka cadaanka ah.

 

 

 

 

By: Yuushac Cali Axmed (Yuu Cali)
Tel: +252615571316
Email yushac@hotmail.com

www.barmuudo.com

Xafiiska warqabadka Muqdisho

 


Xafiiska warqabadka Muqdisho