Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Kulamada Champions Leagu, kooxaha ciyaaray iyo kuwa dhiman halkaan kala soco

Seddex kooxood ayaa xaqiijistay booskooda wareega 16ka AC Milan, Barcelona iyo Real Madrid. Si kastaba kulamadii xalay ka dib Bayern Munich, Benfica iyo Inter ayaa noqday seddexda kooxood ee ugu danbeysay ee booskooda 16ka buukintay.

Kulamada caawa, shan kooxood ayaa iyagana u gudbi kara wareega 16ka. Chelsea tiket ma u goosan doontaa wareega 16ka? Arsenal ma ku biiri doontaa deriskooda reer London? Kooxda Laga yaaban yahay ee APOEL kaalinta koowaad ee Group G ma ku soo bxii doonaan?.

Hadaba aan fiirino Group-yada caawa ciyaaraya:
GROUP E
Bayer Leverkusen vs Chelsea
Valencia vs Genk

  • Chelsea waxa ay u soo bixi doontaa wareega 16ka hadii ay ka badiyaan Bayer Leverkusen. Barbaro waa ku filnaan doontaa waa hadii Valencia ay guuldarro ka soo gaarto Genk. Waxa ku dhameysan doonaan kaalinta koowaad hadii ay ka badiyaan Leverkusen islamarkaana Valencia laga badiyo.
  • Bayer Leverkusen waxa ay u soo bixi doontaa wareega 16ka hadii ay ka badiyaan Chelsea, lakiin kulankaan shanaad ee Groupka kuma xaqiijin karaan inay kaalin koowaad ku soo baxayaan.
  • Valencia kama hari doonto tartanka wareega 16ka kulankaan shanaad wax kasta oo ay natiijada noqoto. Sidoo kale ma xaqiijisan karaan booska 16ka xitaa hadii ay ka badiyaan Genk. Si kastaba waxa ay xaqiijisan karaan booskooda Europa League hadii ay garaacaan Genk.
  • Genk waa inay ka badiyaan Valencia, islamarkaana ay ku duceystaan in Bayer Leverkusen aysan ka badin Chelsea si ay rajo uga lahaadaan wareega 16ka. Hadii guuldarro ay ka soo gaarto Valencia, koobabka yurub oo dhan ayay ka harayaan.
GROUP F
Borussia Dortmund vs Arsenal
Marseille vs Olympiakos
  • Arsenal waxa ay u soo bixi doontaa wareega 16ka hadii ay garaacaan Borussia Dortmund. Barbaro waa ku filnaan doonaa hadii Olympiakos ay ku guuldareysato inay ka badiso Marseille. Waxa ay xaqiijisan doonaan kaalinta koowaad hadii ay ka badiyaan Dortmund islamarkaana Marseille aysan badin.
  • Marseille waxa ay u soo gudbi doonta wareega 16ka kulanka shanaad ilaa iyo inta Dortmund aysan ka heleynin natiijo fiican. Kaalinta koowaad ee Groupka kuma soo bixi karaan kulankaan shanaad, lakiin tartan ayay u geli doonaan haduu ugu yaraan ay ku dhibco noqdaan Arsenal.
  • Borussia Dortmund waa inay ka badiyaan Arsenal si ay rajo uga lahaadaan u soo bixitaankooda wareega 16ka. Barbaro ayaa ku filnaan doona inay tartanka wareega 16ka ku sii jiraan hadii Marseille ay ka badin weyso Olypiakos. Waxa ay xaqiijisan doonaan booskooda Europa League hadii ay badiyaan, Olypiakos laga badiyo.
  • Olympiakos waa inay iyadana ka badisaa Marseille si ay rajo uga lahaato wareega 16ka. Ma xaqiijisan karaan booska Europa League kulankaan shanaad.  Lakiin tartamada yurub oo dhan ayay ka hari doonaan hadii laga badiyo islamarkaana ay Dortmund badiso.
GROUP G
Shakhtar Donestk vs Porto
Zenit vs APOEL
  • APOEL waxa ay ku soo bixi doonaan kaalinta koowaad ee Groupka hadii ay ka badiyaan kooxda Zenit. Barbaro ayaa ku filnaan doona hadii Porto ay ka badin weyso Shakhtar Donestk.
  • Zenit kuma soo bixi karto kaalinta koowaad ee Groupka kulankaan shanaad xitaa hadii ay badiyaan. Si kastaba waxa ay xaqiijisan doonaan booskooda wareega 16ka hadii ay ka badiyaan islamarkaana Porto ay ka badin weyso Shakhtar. Barbaro ayaa ku filnaan doona hadii Porto laga badiyo.
  • Porto waxa ay u baahan tahay guul si ay uga sii mid ahaadaan tartanka loogu jiro wareega 16ka. Barbaro ayaa tartanka ku sii heyn doonto waa hadii Zenit aysan badin. Ugu yaraan waxa ay xaqiijisan karaan booska Europa League hadii ay ka badiyaan Shakhtar Donestk.
  • Shakhtar Donetsk waa inay ka badisaa Porto, islamarkaana ku duceysataa in Zenit aysan barbaro la gelin APOEL si ay tartanka wareega 16ka uga sii mid ahaadaan. Waxa ay ka bixi doonaan tartamada yurub oo dhan hadii laga badiyo.
GROUP H
AC Milan vs Barcelona
BATER vs Viktoria
  • Barcelona waxa ay goor hore u soo baxday wareega 16ka. Hadii ay ka badiyaan Milan, waxa ay ku soo bixi doonaan kaalinta koowaad ee Groupka.
  • AC Milan waxa ay goor hore u soo baxday wareega 16ka. Si kastaba, kaalinta kooawaad ee Groupka ma xaqiijisan karaan kulankaan shanaad xitaa hadii ay badiyaan.
  • BATE wax rajo ah kama lahan Champions League. Hadii ay ka badiyaan Viktoria waxa ay xaqiijisan doonaan booskooda Europa League.
  • Viktoria Wax rajo ah kama lahan Champions League. Lakiin ma awoodaan inay xaqiijisataan booska Europa League kulankaan shanaad xitaa hadii ay badiyaan. Lakiin waxa ay ka hari doonaan tartamada yurub oo dhan hadii laga badiyo.

Waxaa Diyaariyay:
Qoray: Saed Mohamed Balaleti


Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

admin