Dad badan ayaa waxey isweydiinayaan sababta sababta uu u xiranyahay wariye cabduqadir nuunow oo ka mid ahaa shaqaalaha idaacada voa ee laanta af soomaaliga gabar warbaahinta lasoo xariirtay oo muqdisho joogta ayaa ka faalooneysa marka horena waxey sharaxeysaa qofka ay tahay iyo faah faahinta ay ka heshay xariga Nuunow.
"Magaceyga waxa weye aamina maxamed cilmi waxaan ahay hooyo soomaliyed o dagan degmada wadajir ee gobolka banadir waxaan deganahay meel an sida uga fogeyn halka ay ku nooshahay xaaska weyn ee wariye cabduqadir maxamed Nuunow oo lagu magacaabo Xalimo Cali Maxamed iyo sedex carur ah ay u dhashay.
Weriye Nuunow iyo hooyadii iyo qaar ka mid ah walaalihii, xaafada aynu daganahay e wadajir ayaa todobaadyadi u dambeyay dadka ku nool ku soo waabariisanayen hadal heynta murugada laso daristay walashod Xaloimo Cali oo seygeda ku xirayahay dalka mareykanka laguna eedeyay dambi,(HADII WARARKA NASOO GAARAYA AY RUN YIHIIN) uu gacmihiisa ku malegay isaga kadib markii dadka la dariska ah xalimo ay nasoo gaarsiiyen sheekada ku dhacday xalimo aad ayey noo taabatay waxeyna aniga igu dhalisay inan ku dhaqaaqo baaris aan ku rabay inaan uga sal gaaro sababta dhabta ah u xiranyahay nuunow. Waxaan qoraalkan ku iftiimin doonaa baaritaanki an ku sameyay arinkan waxaa la iisheegay in c/qaadir maxamed nuunow uu muqdisho ka dhoofay isagoo ujeedkiisa u ahaa inuu u tago yemen kadibna uga sii socdaalo dalka sacuudiga oo hada ka hor laga soo masaafuriyay waxaana gacan libaax leh ka qaadatay bixitankiisa xaaskiisa oo u hurtay hantideeda oo idil kadib markii uu gaaray magaalada Boosaaso ayuu ka tala baxay tahriibki wuxuna sal dhigtay boosaaso. CAKU NIN SOOMAALIYEED YAA ILMO U DHALI JIRAY...ninkii sidaa loo dhoofiyay ee tagay Boosaaso Rabbina u fududeyay arsaaqdii uuna shaqo ka helay VOA..BUNTLAND ayuu kacay wixi ay ku kici jiren raga somaliyed qaarkooda caqliga xun wuxuna bosaso ku guursday gabar cusub oo lagu magacabo khadro wuxuna ilaway abaalki ay u gashay gacalisadisa.
Xaliima in muda ah kadib ayay voa.da u qaaday dalka Mareykanka marku tagay Nuunow cariga washington ayuu go'aansaday inuu xaskiisa cusub ee Khadro ku wado magaca Xaliima maadaama uu ku buuxiyay wareysiga koowaad ee ka qaaday idaacad voa.da markii ay shaqada siineysay ayuu ku sheegay inuu leeyahay xaas iyo 3 wiil xaaskisana lagu magacaabo xalima sida darted waxa qasab ku noqotay inu ku dhaqaaqo arinkas hadaba wariye Nuunow loo heysta arima la xariira warar qaldan u mareykanka sheegay walow sababta ugu weyn ay tahay nabsiga uu ka galay xaaskiisa bah-weynta ah ee Xalimo" waxaana sida ku warantay hooyo Soomaaliyeed oo daris la'ah qoyska C/qaadir Maxamed Nuunow.
Waxaa Diyaariyay:-
Yuushac Cali Sheekh (yuu cali)
Tel:- 0615571316
Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com
|