Wararka Maanta
C/Weli Xasan (Tarabatooni)
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992
Baro xiddigihii soo maray naadigii K/Cagta MBC
Maxeynu Ka xasuusan Karnaa Dhacdooyinkii dhacay Sanadkii tagay ee 2011ka?
Sanadka 2011

News barmuudo.com ugu horeyntii waxaan qoraalkaani aan ku soo qaadandoonaa hadii allaha abooda leh uu ka raali noqdo waxa yabahii aan ka xasuusto ee ugu radka badnaaye ee uu ka tegay sanadka 2011 anigoo ku sameynaayo khulaaso gaaban ama aruurin gaaban ;hadaba waxaan u shegayaa akhristayasha sharafta leh ee ina soo boqda in uu san ka tarjumeynin qoraalkaan guud ahaan dhacdo walbo ka dhacday caalamka sanadka 2011ka balse ay tahay kaliya wixii aniga shakhsinamadeyda fursad aan u helay ama aan ka gaari kara in aan ku soo koobo anigoo dulmar gaban kaliya ku sameyndoona dhacda walbo aan  soo qadanaaya hadii allaha abooda leh uu ii saamaxo;

anigoo ku hormaraya dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaaye ee uu la yimiday 2011

1: kacdoonadii shacbiyadeed ee dunida muslimka

Sidaan La Wada Socono Dabayaaqadii Sanadki Hore Waxaa Ka Bilaabmey Wadanka Tunisia ,,oo ah wadan dhaca waqooyiga africa wana wadan carbeed oo xubin ka ah ururweynaha africa waxaana Ka bilaabmay wadankaasi kacdoon fure u noqday dhamaan kacdoonada kalle ee Wadama Carbeed Saameeyey , Kacdoonadan Oo Ay Hogaanka u Hayeen Dhalinyaro Iyo Ururada Ay Leeyihiin Ayaa Noqdey Qaar Muddo Yar Gudahood Isbedel Balaadhan Laga Dhaxley , Gaadheyna Wadamo Badan Oo Muddo Badan Ku Hoos Jirey Xukuno Kalitalisnimo Ah Iyo Maamul Qalafsan.

Waxey Aheyd Maalin Jimce Ah 17 December 2010 Markii Wiil Dhalinyaro Ah Oo Lagu magacaabo Mohamed Buazizi Uu Naftiisa Dab Qabsiiyey Ka Dib Markii Ciidamadu Ka Qaadeen Alaab Yar oo Uu Ka Ganacsan Jirey , Maalintii Ku Xigtey Ayaa Boqolaal Shacabka Magaalada Sedi bouzid Isku Soo Baxeen Kuwaas Oo Ka Cabanayey Dhibaatooyinka Shaqo La'aanta Iyo Carada Ay Ka Qaadeen Xukuumada , Taasi Waxey Keentey In Dhamaan Wadanka Tunisia Oo Dhan Ay ku Faafaan Mudaharaadadaasi , Waxeyna 28 maalmood oo ay ka socdeen mudaaharaad gil gilay wadankoo dhan ayaa Ka Dib Wadanka Isaga Baxay Madaxweynihii Tunisa Zine El Abidine Ben Ali Oo 1987kii Xukunka Qabsadey ,

Kacdoonkan Wadanka Tunisia Isbedelka Weyn Ka Geystey Kuma uun Koobneyn Oo Qudha Tunisia Se Waxaa uu Ka Gudbey Xuduudaha Waxaana Wadanka Masar ,, masar oo ah dal dhaca shimaalka ama waqooyiga africa ahna wadan xad la leh dhulka barakeysan ee falastiin waana wadan carbeed oo africa xubin ka ah waana wadamada ugu qubadaha waa weyn ee africa $ carabtaba waxaana lagu tiriyaa in ay awoodeda xaga qubada caalamka ay uga jirto dowlada 9 laad ee meliteri ahaan ka dhisan  waxaana wadankaasi  Ka Bilaabmey Mudahaadyo Wata Ahdaaftii Iyo Ujeedooyin La Mid Ah Kuwii Tunisia , Iyadoo Shacabku Ay Ku Baaqayeen Halkudhigyo Isku Mid Ah Oo Aheyd In Shacabku Rabo Xukuumadu Meesha Ka Baxdo , 25 January 2011 Ayaa Waxaa Wadanka Masar Gilgiley Mudahaadyo Balaadhan Oo Laga Soo horjeedo Xukuumadi Xusni Mubarik Kuwaas Oo Keeney Isku Dhacyo Iyo Iska Horyimaado Ciidamada Amaanka Iyo Shacabka Mudaharaadayey , arinta ayaa markii danbe isku bedeshay mudaharaadka mid si nabadgelyo ah taasi hugaanka militrga wadankaasi ay si toos

wadanka ay u contoroolaan taasi oo shacabku ay ku sii dhiiradeen in militrga wadankaasi ay wada shaqeyn rasmi la sameyaan taasi oo xusni mubaarak ay ku qasabtay in uu Ka Dego 11 February Isagoo Xukunka Ku Wareejiyey Golaha Sarre Ee Ciidanka ,

Wadanka Libiya Gaar Ahaan Magaalada lagu magacaabo Benghazi Ayaa 15 February waxaa ka bilowday kacdoon Looga Soo Horjeedo Madaxweynaha Libya Cornel Moamar Alqadafi , Kacdoonka Ka Dhacey Wadanka Libya Ayaa Gabi Ahaan Ka Duwanaa Kuwii Ka Dhacey Wadamada kale Iyadoo Uu Ahaa Kacdoon Dagaalo Wata , Ka Dib Iska Horyimaad Dhex Marey Shacabka Mudaharaadayey Iyo Ciidamada Libya Ayaa Keeney In Magaalooyin badan Xoog Looga Saaro Ciidamada Qadafi , Ka Dibna Ciidan Hubeysan Oo Quwado Shisheeye Taageerayaan La Dhiso Kuwaas Oo Dagaal Toos Ah La Galey Xoogagii Qadaafi Ilaa Kamo Danbeystii Ay ka Qabsadaan Magaalo Madaxda Libya Ee Tripoli , 20 October 2011 Ayey Ciidamadii Qadafi Ka Soo Horjeedey Qabteen Ka Dibna Dileen Muamar Alqadafi Magaalada Sirta Meel u Dhaw , Taas Oo Lagu Iclaamiyey Dhamaadkii Kacdoonka Libya

Wadanka Bahrain ; bahraein waa wadan dhaca khaliijka carabta ayaa asigana shacabkiisa sameeyeen si la mid ah kacdoonadii ka horeeyey balse sida ay ku soo dhamadeen wadamadii kale wuu ka duwanaye taasi oo sabab loogu dhiigaayo in ay ka mideysnaayeen wadamada khaliijka in la xaliyo wadanka baxreen oo ah maamulkisa mid hab boqortooyo ah dadkiisana ay sidaa u badneen tiro ahaan taasi oo keentay wadamada khalijka oo gabigooda u badan boqortooyo ayaa difaac adag ka gelay waxayna ugu danbeyntii gelay wadankaasi ciidamo ka socday khaliijka ciidamadasi oo hugaaminaayo sacuudi arabia taasi oo si awood ah looo dejiyey waxaa halkaasi xariirkooda ku xumaaday sacuudiga iyo wadanka iraan oo ah dal shiico wada ah dadkiisa madaamo wadanka bahrain 80% uu yahay shacabkiisa shiico inta soo hartana suni ay yihiin xukunka wadankaasina ay ku fadhiyaa suniyiinta tirada yar ;

wadanka yemen ,, ayaa asigana dabeesha socotay xoogeda ku dhufatay yaman balse waxaa halkaasi ku daadanaaya mudo sand ah dhiig badan oo waxba galbsanin rabana in uu hello kaliya xuriyad uu ku noolaado dhalanyaro ayaa ugu badan dadka reer yamnta ee sameynaaya kacdoonka looga soo horjeedo hugaamiyha talada haystay  mudo 30 sano cali cabdala salax waxaana hada ugu danbeyntii lagu wadaa in uu isiga guuro musaafurisna loogu diro wadanka dibadiisa asigoo lagu qasbay in xukunka uu wareejiyo mudo dhowna asiga iyo qoyskiisa ay ka heleen  mid kamid ah wadamada khaliijka megan gelyo ;hugaamiyaha mayalka adag ee cali cabdala saalax ayaa ka mid noqday madaxda ay haleeshay rasaasta dadyowga kacdoonada sameynaya ay ridayaan kadib maalin jimca ah lagu garaacay hoyga madaxtooyada madaafiic loo abayeelin taasi oo ay ka so gaartay dhawac aad u weyn kadina loola cararay saudi arabia halkaasi uu ku soo qaatay dhowrbilood oo caafimaad ah 
waxaa maslaxad ka gelay wadanka yaman wadamada khaliijka oo xubin ay ka tahay yaman wada hadalkaasi oo mudo dheer qaatay ayaa ugu danbeyntii ku saxiixay cali cabdala xil wareejinta madaxtanimada wadankaasi

wadanka syriya; seria waa wadan aad u muhiim ah marka loo fiiriyo wadamadacarabta waana wadan dhinaca shaamka ah waana wadamada ugu muhiimsan ee gobolkaasi dhaca waxana xukunkisa gacanta ku haysta xisbigii ugu awooda badnaajiray mar sii horeysay ee lagu magacaabo xisbigaga bacthiga balse awoodisii gobolkaasi ay wiiqeen reer galbeedka ;xisbigaasi oo hada magac ahaan baaba,ay waxaana ka Qarxay halkaasi daweshii is rog roga badneday ee ka socotay waqooyiga afrika una gudubtay dhulka jasiirada carabta kana sii gudubtay aydoo dhanka shaamka ku dhufatay hadaba kacdoonkaasi oo illaa hada socda ayaa ah mid lagu diidanyahay nika aabihisa ka dhaxlay jagada oo lagu magacaabo bishaar all asad , bishaar ayaa la tacalaya kacdoonka socda una adeegsaday awood melitetiry balse maalin maalinta kasii danbeysa aya ah mid sii xoogeysanaya aydoo kacdoonkaasi uu sii socdo balse la ogeyn mesha uu ku sii hoorsandoona ;

wadamada Djibuti ,allgeria saudi arabia & maroco ; waxaa si wada jir ah ayagna ka dhacay wadamadaan kacdon isbedel doon ah balse ma aheen kuwa sidaasi u buuran oo lagu dalbanaya isbedel deg deg ah in lagu sameeyo hugaannada in wax laga bedello dasaatiirta iyo in loo abuuro dadka faraha badan ee shaqo la,aanta ay hayso loo abuuro shaqo wadamdaas taasi oo keentay in cabsi ay soo wajahdo madaxda wadamdaasi ,balse ayagana ay kacdoonada ay uga hoortageen awood si uusan uga xoogeysanin halkaasi qaar ka mid ah wadamadaan ayaa ku dhaqaaqay in ay sameyaan isbedel xaga sharciyada wadanka u degsan lna fududeeyey waxyaabo badan oo la tabanaaye ,

waxaan ku soo afjarayaa halkaani kacdoonadii ugu saameynta badnaaye ee nasiibka ugu yeeshytay saanka 2011,, hadaba gabi ahaanba kacdoonadaan ka kala dhacay meelaal badan oo dunida muslimka ah gaar ahaan dunida carabta ayaa hal ula jeedo ka wada sinaa in la hello xuriyad , nolol xur ah iyo dal xur ah oo taladisa iyo rabitaankiisa  ay ka go,da shacabkiisa ,hadii aan soo gunaanado kacdoonadaan oo ku daatay dhiig shacab kor u dhafaya kumanaan kun, ayaa ah mid welito caga dhiganinwakhtigaan aynu joogno ,hadii aan dib aan u milicsano natiijooyinka illaa hada laga faaiidey qaar ka mid ah kacdoonada n dhiigooda ayaa waxaa hadana leysweydiinaya xagey caga dhigandoonaan ,madamo welito si rasmi ahaan ,waxaa tunisia oo aheday halka dabka uu ka soo holcay ayaa ugu danbeyntii gaaray horumar kadib markii doorasho xur ah ay u dareereen shacbka wadankaasi oo xisbiyo cusub iyo kuwa hoeyba ku tartameen waxaana qabsaday xisbiga isbedeldoonka ee islaamiyiinta ah ee lagu magacaabo( allnahda) , sidoo aklle masar ayaa ayaduna u gudubtay doorasho xur ah oo baarlamaka loogu tartamaya waxana ku guuleystay xisbiga islaamiga ee (ikhwaan allmuslimka) ee ugu shacbiyada badan ,sidoo kalle isbedelada ka dhacay libiya ayaa ayaduna la hadal hayaa in laqabandoono doorasho xur ah ,balse illa hada waxa talada si kumaal gaar ah u haya hugaamiyal qabaailada matela kuwaasi oo illa hada welito u gudbin doorasho shacabka xur u leeyahay , yemen iyo syria ayaa ah kuwa welito ku dhaxjiro jawi foodo u eg kawaasi uu ka sii socda  mudaaharaadyadii ,waxaana la filaya in ay ka imaan ka raan  ugu danbeyntii isbedello la taaban karo,waxaan ku soo afjarayaa halkaani kacdoonadii ugu saameynta badnaaye ee nasiibka ugu yeeshytay saanka 2011,,

isbedelada ka dhacay caalamka daafihiisa kala duwan sanadka 2011ka,,

waxaan ku sameyn donaa khulaasad ama short gaaban waxyaabihii aan ka xauusto oo ugu radka badnaaye anigoo halkaan ku soo koobi karin dhamaan dhacdooyinka sandka 2011ka wax yaabihii ka dhacay ,hadaba anigoo ka cabiridoona kaliya dhacdooyinkasi oo kaliya aan kaxusidoono cinwaanadooda

}; Qaarada africa oo ka koobnatay 54 wadan

}; wadankii ugu weynaaye qarada africa oo kala go,ay

}; sother sudan oo noqotay wadankii ugu danbeyey ee nasiibka u yeelatay in ay hesho madaxbanaani buuxda

}; sudan oo ku dhawaaqday inay tahay dowlad islaami ah

}; ciidamada faransiiska ee jooga dalkasi evercost oo dagaal fool ka fool ah ku qabtay hugamiyihii xukunka ku adeegay ee dalka avercost loran Bagbo

};loran Bagbo oo noqday hugaamiyihii ugu danbeyey ee african ah oo la soo taago  maxkamada danbiyada caalamiga ee heg

}; wadanka avercost oo ay ka dhaceen dhimasho kumanankun ah wakhtigi ay ka socotay dorashadii madaxtooyada tasoo ugu danbeyntiina ku guuleystay alsan watera

}; sudan oo ka takhlustay hugamiyihii ka dagaalamijiray gobolka darfur

}; kenya oo ay ka dhacen afduubyo loo geystay dad badani oo ku sugnaaye dalkeda

}; ithobiya oo ciidankedu mar kale gelisay somaliya

}; tother sudan oo cilaaqaad buuxa la yeelatay dowlada israel

}; kenya oo ciidankeda u dirtay somaliya

}; dorashadii madaxtinimada wadanka zaamibiya ayaa ka dhacday dalkaasi

}; doorashadii madaxtinimada wadanka nejar ayaa ka dhacday dalkaasi

}; dorashadii madaxtinimda wadanka Djibuti ayaa ka dhacday dalkaasi

}; dorashadii madaxtinimda wadanka tanzaniya ayaa ka dhacday dalkaasi

}; dowrashadii madaxtinimda wadanka ruwanda oo ka dhacday dalkaasi

}; doorashadii madaxtinimda wadanka jamahuriyada dimuquradiyada congo oo ka dhacday dalkaasi

}; dorashadii madaxtinimada wadanka uganda oo ka dhacday dalkaasi

}; uruurka lagu magacaabo boko haraam ee ka dagalama nageriya ayaa kor dhiyey weeraradisa joogtada ah ee uu la beegsanaya kirishtanka wadankaasi najeriya

}; waxaa kor u kacay loolanka musliminta & kirishtanka ee ka jira dalka nageriya weeraradiisa uu uga soo hor jeeda dowlada dalkaasi iyo gabi ahaanba kirishtanka wadankaasi degan

}; wadamada bakistaan pilipiin tayland shiinaha hindia bangaladesh & japan ayaa gabi ahaanba ku wada dhufteen musiibooyin duufaano iyo dabeelo roobab wata halkaasoo ay waxyeelo ba,ani ka soo gaartay malaayiin quf oo u dhashay wadamadaasi

}; japan ayaa ka baxday kaalinteedii dhaqaalle ee ay uga jirtay dunida mudo 40 sano kadib markii ay ku dhufteen duufaanada

}; wadanka japan ayaa noqday mid ay ku dhuftaan dabeelo dufaano wata waxaana ku geriyooyaday halkaasi dad kor u dhafaya tobanaankun oo rux

}; geeska africa oo gabi ahaanba ka dhacday abaar saameysay 12 milyan oo ruux

}; bilada caalamiga ee lagu magacabo nopel price ayaa sanadka 2011ka la gudoonsiiyey gabadha madaxweynaha ka ah wadanka laberiya

}; iiraan & dowlada ingiriska oo cilaaqaadkoodii jarmay ka dib weeraradii loo geystay safarada ingiriska ee ku tiilay tahran

}; iiraan oo cunaqabateen cusub uga timiday wadamada reer galbeedka

}; turkiga oo ciladqadkii uu la lahaaye dowlada siriya oo gabi ahaanba ku yimiday mugdi weyn taasi oo ka danbeyey kacdoonka ka socda wadankaasi siriya

}; turkiga & ciraaq oo cilaaqaadkoodu maw madow soo kala dhax gelay kadib markii ciidamada turkiga oo xadka uu la leeyahay wadanka ciraaq ka tilaabay ayagoo baacsanaya kooxda lagu magacaabo { pkk } diyaradaha dagaalka ee turkiga ayaa duqeymo ka sameeyey gudaha ciraaq

}; turkiga ayaa cilaaqaadkii uu lahaanjiray wadanka faransiiska afka ciida u daray ka dib faransiiska oo soo saaray sharci cusub oo lagu aqonsanaayo dilkii boqolaalka kun oo ruux ee lagula kacay dadka reer armenia mudo hal qarni ka hore

}; turkiga ayaa asigana wuxuu soo nooleyey gumaadkii gumeysihii faransiiska ay ka geysteen waqooyiga africa gaar ahaan wadanka allgeriya sanadihii 1940-1950

}; turkiga ayaa cilaaqaadkii uu la lahaan jiray dowlada israiil gabi ahaanba jaray

}; waxaa xarirkoodu xumaday bakistaan & afganistan

}; bakistaan ayaa yareysay  hol galkii ururka neto ay ka sameyn jireen gudaha iyo habada wadanka bakistaan

}; dilkii hugaamiyihii ururweynaha alQacida shekh usama binladin oo lagu dilay gudaha dalka bakistaan

}; turkiga oo dhul gariiro ka dhacy kuna dhinteen boqolall ruux

}; iiraan & masar oo cilaaqaadkoodii dib u soo noqday mudo 30 sano ka dib

}; iiraan oo mudo 30 sano ka dib ka gudubtay maraakiibteda dagaalka biyamareenka suweys halkaasina ku sameysay dhoolatus militry

}; iiraan oo soo riday diyarad kuwa wax basasa ah ee ay leedahay dowlada mareykanka diyaradaasi oo si toos ah loo soo bandhigay

}; takhtarkii daaweynaaye heesaaygii caanka ahaaye  ee dhintay mekal jagson oo lagu xukumay 4 sano oo xabsi ah

}; wadanka gariiga oo sanadka 2011ka ku dhameystay kacdoon ka dhashay dhaqale xumada hareysay wadankasi

}; dalka norwey oo xasuuq ba,ani ka dhacay ,halkaasina ay ku dhinteen dad kor u dhfaya 70 ruux

}: dhaqalaha yurub oo hoos u dhac weyn uu ku yimiday

}; wadamada tayland & kampodiya ayaa isku fara saaray dagaal fool ka fool ah kaa soo ka dhacay xuduudaha ay wadaagaan

}; mareykanka oo sal dhiga ciidamada cirka ugu weyn ka furtay bariga africa gaar ahaan wadanka itoobiya

}; dalka Qatar ayaa ah  dalkii carbeed ee ka mid noqday isbaheysigii duqeynta ka sameyey dalka libiya

}; dalka sacuudiga ayaa ciidan u diray dalka baxreen

}; hugamiyihii hore ee masar xusni mubarak & caruurtisa ayaa la soo taagay maxkamada sare ee dalkaasi

}; hugaamiyihii hore ee tanusia zen al cabdin bini cali & qoyskiisa oo magan galyo siyaasadeed laga siiyey dalka sacudiga

}; jagada xogayaha jamacada cabta oo ku guuleystaynika lagu magacaabo  nabiil alcarabia

}; amirkii dhaxalsugaha ahaaye ee dalka saudi arabia oo geeriyooday

}; wadamada masar iyo israil oo xariirkoodu mugdi gelay ka dib weerarkii diyaradaha israil ay ku dileen  4 askari oo masaari ah ee illalo ka ahaaye xadka wadnkaasi

}; suxufigii c/salan shekh xasan xiis oo ka dhigtay tirada suxufyinta lagu dilay somaliya qufkii ( 36 )

};ururka xamaas ee reer falastiin oo ku soo furtay madaxa askargii yahuudu ay ka haysteen maxaabiis falastiini ah oo tiradoodu dhantahay 1124 qofood dadkaasi oo dhamaantoda u xirnaayeen gumeystaha yuhuuda,,,}

}; shakhsiga ugu saameynta badnaaye caalamka sanadka 2011ka oo noqday raisulwasaraha turkiga { mr racep tayip ardugan }

}; raisul wasaarihii hore mudane maxamed c/laahi farmaajo oo noqday nika ugu magaca dheraaye sanadka 2011ka bulshada somaliyeed dhaxdeeda,,

}; Shabakada wararka Ee udubland.com oo nasiib u yeelatay in habada ay soo gesho tarikhdu marka ay ku begneday 18/6/2011 ka,

}; wadamda mareykanka iyo bakistaan oo xariirkoodu mugdiweyn gelay ka dib weeraarkii lagu laayey 14 askari oo bakistaani ah oo illalo ka ahaaye xadka wadankaasi uu la wadaago afganstan

}; urur weynaha alQacida oo hugaan cusub doortay ;loona doortay (Dr. eyman aldawaahiri )

akhrista yasha sharfta leh ee inaga daalacanaaya boga shabakada barmuudo.com ayaa waxaan ka raali gelineynaa qoraalka oo aad aan ugu dhereynay ,anagoo og taasi ayaan jecleysanay in aan ku soo afjarno halkaan ,madaamo aan ognahay in ay jiraan dhacdooyin aad u badan oo dhacay sanadka 2011ka balse waxaan ku soo gaba gabeyneynaa intaani ,waxaan ka cudur darineynaa akhrista yasha sharafta leh in ay wixii qalad ama macluumad xumi ah ay ku arkaan qoraalkani madaama uu yahay qoraal macluumad hore u dhacay xambaarsan ,

akhristayasha sharfta leh hadii allaha abooda leh  raali uu ka noqdo waxaan idiin soo gudbin doonaa dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaaye sandka 2011ka ee ka dhacay Soomaaliya.

Waxaa soo saaray:-
MM Shooble
Email-shooblecade143@hotmail.com
Tel: 0615493234

 


Xafiiska warqabadka muqdisho