Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Mid ka mid ah weriyeyaasha Telefishanka Horncaple oo Muqdisho lagu dilay

Allaha u naxariistee Weriye C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo ka tirsanaa weriyeyaasha Telefishanka Horncaple ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxaa lagu dilay Hotelka Madina oo ka tirsan degmada Xamar Jajab.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay Weriye C/Salaan Xiis waxaa dilay kooxo ku hubeysan qoriga AKE-47 isla markaana gashanaa dareyska ciidamada Dowladda, kuwaasi oo dhowr xabadood madaxa uga dhuftay Weriyaha isla markaasina isaga cararay goobtaasi.

Allaha u naxariistee Weriye C/Salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo halkaasi dhaawac culus ka soo gaaray ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina, halkaasi oo uu ku geeriyooday isla markiiba, hase yeeshee lama oga cida ka dambeysa dilka Weriyaha.

Mid ka mid ah dadkii u soo qaaday isbitaalka ayaa sheegay in weriyaha dhowr xabadood madaxaloogu dhuftay, isagoona jirkiisa kale ay ku tiilay rasaas fara badan, waxaana la socday markii la dilayay weriye kale oo ay ka wada shaqeynayeen Telefishanka HornCable xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay weriyeyaasha Muqdisho la dilo, iyadoo waliba tacadiyo kale loo geysto xilli ay ku guda jiraan howlahooda shaqo, waxaana falkaani si aad ah u cambaareeyay dhammaanba weriyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay inuu yahay fal waxashnimo ah oo ka baxsan diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo midka bani'aadaminimada.


 

Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

Xulka Wararka