Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Pep Guardiola: Waa Inaan Horumar Sameynaa, Ama Real Ayaan Horyaalka U Waayi Doonaa

Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa ay u baahan tahay inay sameyso horumar si ay u difaacdaan horyaalka La Liga mar kale.

Kooxda ka dhisan Camp Nou ayaa haatan waxa ay lix dhibcood ka danbeysaa kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid ka dib markii sabtida ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Getafe.

Guardiola ayaa qirtay in kooxdiisa aysan haatan ku heer aheyn kooxda ka dhisan caasimada ee ay xafiiltamaan, lakiin waxa uu sheegay inay Real ku adkeyn doonaan 10ka bisha December marka ay ku kulmaan El Clasico.

“Mar kasta hogaanka ma heyn kartid, lakiin runta waxa ay tahay waa markii ugu horeysay oo aan koox kale ka hooseyno” ayuu u sheegay suxufitiinta shirkiisa jaraa'idka ee ka horeeya kulanka caawa.

“Tani waa ay dhici kartaa, sidoo kalena sababta waxa ay tahay waxaan tartan kula jirnaa Madrid”

“Waan ognahay in koox aan la xafiiltano oo xoog badan inay naga sareyso, waxaana diyaar u nahay inaan isku dayno inaan garaacno iyaga”

“Waa inaan horumar sameyno ama hadii kale ma gaari doono. Waxaan ku jirnaa heer fiican, lakiin taas kuma filna inaan ugu horeyno kala sareynta horyaalka”

“Si adag ayaan isagu dayi doonaa ilaa maalinta ugu danbeysa ee xilli ciyaareedka. Ma aqaan, hadii ay taas ku filnaan doonto inaan horyaalka ku qaadeyno, lakiin waan  isku dayi doonaa”

40 jirkaan ayaa sidoo kale diiday dadka soo jeedinaya in kooxdiisa ay dhibaato ku dhex jirto.

“Ma u maleynayo inay tani tahay markii ugu xumeyd ee kooxda soo marta tan iyo markii aan imid” ayuu yiri.

“Ma jirto kaliya hal qaab, sababtoo ah ciyaar kasta oo aan marti nahay waa ka duwan tahay tan kale. Si xun uma aanan ciyaarin ciyaar kasta, mar walba anaga ayaan abuureynay fursado ka badan kuwa kooxda naga soo horjeeda”

Barca ayaa caawa waxa ay Camp Nou ku martiqaadi doonaan Rayo Vallecano, ciyaartaasoo bilaaban doonta xilliga geeska Afrika 11:00 habeenimo.

M m shooble ayaa soo diyaariyay

Email-shooblecade143@hotmail.com

Tel:0615493234

Xafiiska warqabadka muqdisho


Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

admin