Kooxaha Ingariiska oo waayadii u danbeysay intooda badan soo gaari jiray wareega 16ka ee Champions League ayaa isbuucaan tijaabo culus mari doono, iyadoo Chelsea, Manchester United iyo Manchester City ay halis ugu jiraan inay ku haraan wareega Groupyada ee koobka horyaalada qaadara yurub.
Afarta kooxood ee Premier League ugu tartameysa koobkan, kaliya Arsenal ayaa xaqiijisatay booskeeda wareega 16ka, iyadoo sideedii xilli ciyaareed ee u danbeysay ay ugu yaraan seddex koox oo Ingariis ah ay soo gaari jireen wareegaan.
Todobo boos oo banaan ayaa talaadada iyo arbacada la buuxin doonaa, waxaana kooxahaasi ay doonayaan inay ku biiiraan Barcelona, Real Madrid, AC Milan, Inter Milan, Bayern Munich, Benfica, Bayer Leverkusen, APOEL Nicosia iyo Arsenal oo hore booskooda 16ka u xaqiijistay.
Chelsea ayaa martigelineysa Valencia talaadada kooxdii badisa ayaana u gudbeysa wareega 16ka, iyadoo kooxda Andre Villas-Boas ay ku dhibco tahay kooxda reer Spain Group E, waana ay ka war qabaan waxa ay guuldarro la micno tahay.
Kooxda reer London waxa ay gaartay wareega 16ka xilli ciyaareed kasta tan iyo 2003-04, iyadoo Milkiile Roman Abramovich uusan qarqarin baahida uu u qabo koobkan, waxaana lagu yaqaanaa inuusan wax naxariis ah tusin tababarayaashii ku guuldareystay inay u keenaan.
Mustaqbalka tababare Villas-Boas ayaa mugdi ay galinayeen saaxafada Ingariiska, ka dib seddex guuldarro oo ku soo gaartay garoonkiisa afar ciyaar gudaheed, waxaana kuleel kaas uu sii kici doonaa hadii uu ku guuldareysto in Chelsea ay gaarto wareega 16ka.
Barbaro goolal wata oo Stamford Bridge ay labada kooxood ku galaan waxa ay keeneysaa in Valencia ay soo baxdo.
Tababaraha Chelsea ayaa kulankaan ku sheegay nolol ama geeri inuu yahay, lakiin waxa ay kooxdiisa kalsooni ka qaaday markii ay Newcastle isbuucaan ku gareeceen 3-0.
Kooxda Manchester United ayaa u safri doonta FC Basel arbacada si loo ogaado kooxdii soo raaci doonta Benfica oo hore uga soo baxday Group C. Barbaro ayaa ku filan United lakiin hadii laga badiyo kooxda Switzerland ayaa soo bixi doonta.
United ayaa sabtidii soo gaaray dhawac ay ka naxeen oo soo gaaray gooldhaliyahooda nasiibka badan Javier Hernandez kaasoo canqowga uu dhaawac ka soo gaaray, halka Tom Cleverley iyo Andreson iyo weeraryahan Michael Owen ay weli dhaawac ku maqan yihiin.
Xitaa United hadii ay soo baxdo waxa ay u badan tahay inay ku dhameysan doonaan kaalinta labaad, iyadoo Benfica ay kaalinta koowaad xaqiijisan doonto hadii ay gurigooda kaga badiyaan Otelul Galati.
Kaalinta labaad micanaheeda waxa ay tahay waxa ay ku soo aadi karaan Barca ama Real wareega 16ka.
Kooxo badan oo ay ku jirto Manchester City waxaaba ay iyaga ku duceysanayaan inay helaan kaalinta labaad, iyadoo City ay tahay kooxda ugu rajada xun seddexda koox ee Ingariiska.
Inkastoo ay Premier League awood badan ku leeyihiin, City ayaa waxoogaa dib u dhac uu kaga dhacay xilli ciyaareedkoodii ugu horeysay ee ay ciyaaraan Champions League.
Waxa ay martigelinayaan kooxda Group A waa hore ka soo baxday ee Bayern Munich arbacada iyagoo u baahnaan doona inay badiyaan, halka ay ka rajeynayaan Villarreal inay ku dhegto Napoli.
Xisaab isku jahwareersan ayaa ka jirta Groupyada kale, iyadoo mid ka mid ah seddexda kooxood ee Group F ay rajo ka leeyihiin inay soo raacaan Arsenal oo kaalinta koowaad ku soo baxday goor hore.
Olympique Marseille oo soo dhaweyn doonta Borussia Dortmund ayaa ugu cadcad inay kaalin labaad ku soo baxdo, iyagoo hal dhibic ka sareeyaa Olympiakos Piraeus oo martigelin doonta Arsenal.
Trabzonspor, Lille iyo CSKA Moscow ayaa iyagana isku heysta kaalinta labaad ee Group B iyadoo Inter Milan ay waa hore kaalin koowaad ku soo baxday.
Lille iyo Trabzonspor waxa ay ciyaarayaan arbacada iyagoo og in kooxdii badisa ay soo baxeyso, halka hadii ay barbaro galaan ay albaabka u furi doonto CSKA hadii kooxda Russia ay ka badiyaan Inter.
Group G arintiisa waa iska sahlan tahay kooxda kaalinta labaad ee Zenit ayaa u safri doonta kooxda kaalinta seddexaad ee FC Porto. Kooxda reerPortugal waxa ay u baahan tahay guul, halka kooxda Russia ay ku filan tahay barbaro.
Ajax Amsterdam oo la ciyaari doonta kooxda Real Madrid arbacada ayaa ugu cadcad inay ku soo baxdo kaalinta labaad ee Group D lakiin Lyon ayaa fursad banaanka ah heysata hadii natiijooyinka ay isbedelaan.
Group-ka kaliya ee hore loo soo xaliyay waa Group H, iyadoo Barca ay kaalin koowaad ku soo baxday halka AC MIlan ay kaalin labaad ku soo baxday.
XIGASH:- WWW.UEROSPORTS.COM
Waxaa Diyaariyay:
MM Shooble
Email-shooblecade143@hotmail.com
Tel:0615493234
Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com
|