Ciidamada
DKMG Somalia oo xabsiga dhigay wariye ka howlgala Muqdisho &
Ururka SOCJA oo falkaasi canbaareysay.
Ciidamada DKMG Somalia oo xabsiga dhigay wariye ka howlgala Muqdisho
& Ururka SOCJA oo falkaasi canbaareysay.
Sirdoonka DKMG Somalia ayaa xabsiga dhigay wariye Maxamed Bishaar
oo ka mid ah wariyaasha ka howlgala Idaacadaha maxaliga ee ka shaqeeya
magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa ka kaxeestay wariye Maxamed Bishaar isagoo xiligaasi
ku sugan wazaarada warfaafinta halkaa oo uu wariyaha ku howlanaa
shaqadiisa maalmeed.
waxaana wariye Bishaar la gaarsiiyay xaruunta CID-da halkaa oo
su'aalo lagu weydiiyay ugu danbeyntii waxaa loo taxaabay oo xalay
uu ku baryay xabsi.
Maxamed Ibrahim Ayaanle Madaxada Mashaariicda Ururka Koonfurta
iyo Bartamaha Somalia (SOCJA) oo la hadlayay saxaafada ayaa shaaca
ka qaaday in ay ka xunyihiin falkaan ciidamaada DKMG Somalia ay
ku bartimaameysteen wariyahaasi gudanayay howshiisa, isagoona hoosta
ka xariiqay in falkaan uu yahay mid inta badan saameyn ku yeesha
shaqada wariyaasha guud ahaan dalka Somalia, ayadoon loo aabayeeelin
shaqada iyo howsha ay wariyaasha ay ka hayaan dalka.
Wariye Bishaar ayaa haatan waxa uu ka howlgalayay Idaacada Tusmo
oo uu dhawaan ku biiray, isagoona lagu xasuusto in inta badan uu
soo tabin jiray arimaha dadka dhibaateysan ee ku sugan daafaha magaalada
Muqdisho, halkaa oo wariye Bishaar ka ahaa wariyaasha sida tooska
ah u soo jeedin jiray arimahooda.
lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaana dhamaan bahda warbaahinta
ay canbaareeyay falkaasi ciidamda DKMG Somalia ay ku xireen wariye
Maxamed Bishaar iyadoona sidoo kale ay canbaareeyay Ururada u dooda
Xuquuqda Wariyaasha.
Inta badan Tacadiyada loo geysto wariyaasha ayaanan aheyn mid ku
cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed waxaana jira tiro wariyaal ah
oo lagu dilay sanadihii ugu danbeeyay gudaha dalka Somalia kuwaa
oo xiligaasi ku jiray shaqadooda.
Warbixin qoraaleedka Ururka SOCJA sanada 2010-ka ee dhawaan la
soo daabacay ayaa lagu sheegayay sidoo kale ugaarsiga wariyaasha
in sanadahii ugu danbeeyay uu ahaa mid sii kordhaya, ayadoo warbixino
la soo saaray lagu sheegay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu
hooseeya ilaalinta xuquuqda Wariyaasha.
Ugu danbeyntii, Madaxada Mashaariicda Ururka Koonfurta iyo Bartamaha
Somalia (SOCJA) Maxamed Ibrahim Ayaanle ayaa waxa uu codsi u soo
jeediyay dhamaan cidii garab ka geesan karto soo siideenta wariyahaan
in ay isku howlaan, ayadoona si gooni ah uu uga codsaday Waziirka
warfaafinta DKMG Somalia Eng Yariisow uu dadaal u galo sidii xuriyadiisa
uu u heli lahaa wariye Maxamed Bishaar oo xalay ku baryay Xabsiga.

|