Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Barcelona Oo Meesha Ka Saartay Inaysan Waligoodna Dalban Doonin Ronaldo Madaama Ay Heystaan Messi



Magaalada Doxa ee wadanka Qadar waxaa ka furmay tartanka dalalka Carabta ee 2011-ka, tartankaasi waxaa ka qeyb gelaya saddex xiriir oo ka tirsan Oloympicada Soomaaliya, gaar ahaan xiriirada Shataranjiga (Chesska), Gabdhaha Kubadda Koleyga iyo Orodada, iyadoo furitaanka tartanka All Arab Games ay ka soo qeyb galeen madax kala duwan oo ka socota wadamada Carabta.

Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Md. Axmed Cabdi Xasan (Wataac) oo ka mid ah xiriirada Soomaaliyeed ee ka qeyb galeysa tartanka ciyaaraha dalalka Carabta ee ka furmay magaalada Doxa ee wadanka Qadar ayaa faahfaahin ka bixiyay furitaanka ciyaaraha kala duwan ee ay halkaasi ku soo bandhigayaan dalalka ka qeyb gelaya tartanka.

“Waxaan rajeynayaa inaan guul ka soo hoyno tartanka All Arab Games” ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Md. Axmed Cabdi Xasan (Wataac) oo sheegay in qaar ka mid ah wadamada Carabta ee ka qeyb gelaya tartankaasi gaar ahaan xiriiradooda Chess-ka ee heerka Qaran uu xiriirka Soomaaliyeed ka badiyay tartamadii sanadkii hore.

Guddoomiye Wataac ayaa sheegay in tartanka dalalka Carabta ee ka furmay magaalada Doxa ee dalka Qadar kooxaha ka qeyb gelaya ay isku arkayaan laba laba dal, kaddiba garoupyada laga badiyo ay harayaan iyadoo marka labaadna ay is arkayaan grupka labaad isla markaana kooxdii soo baxda sidaasi guusha ku heleyso.

Dhinaca kale waxaa xarigga ka jaray furitaanka tartankaasi Amiirka wadanka Qadar His Highness Emir Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay madaxda xiriirka dalalka Carabta iyo qaar ka mid ah madaxda xiriirarada dalalka Carabta.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

Xulka Wararka