Qubanayaal


C/Wahaab Max'ed IbraahimReporter


Muxudiin Maxamuud (Shooble Cadde)
Arrimaha Bulshada


Tuute Calas Dacasbeen
Sbortiga arimaha


Yuushac Cali Shiikh Madaxa Barnaamijyada Barmuudo


Ururka Rajo Charity Oo taczi tiiraanyo leh u diray Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Abwaan Abshir Bacaadle.


Tacadiyada ka dhanka ah Wariyaasha oo aad ugu soo badanayo guud ahaan dalka Somalia.




C/Weli Xasan (Tarabatooni)

Somali Links
Taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha oo mamnuucay isticmaalka Baasaboorkii hore

Janaral gaafow ayaa faahfaahin ka bixiyey nin dhawaan safaarada Nairobi gacanta ay ku dhigtay nin la ay sheegtay in uu horey dowlada heshiis baasaboro sameyn ah uu la galay kaasi oo sameystay in ka badan intii dowladu ugu tala gashay ka dibna ka dajaiyey magaalo xeebeedka mambaasa ee dalka Kenya .

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha janaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo sheegay in ay heshiiskii lagu joojinayey baasaboorkii Cagaarnaa ay la soo galeen dowladii ugu danbeysay oo noqotay dalka Sacuudi arabiya .

Taliyaha ayaa saxaafaada siiyey wareysi dhinacyo taabanayey wuxuuna ka warbixiyey xaaladaha ay marayaan baasaboora isaga oo intaa ku darey hadalkiisa in ay gacanta ku dhigeen dhawaan kunteener baasabooro been abauur ah .

Janaral gaafow ayaa faahfaahin ka bixiyey nin dhawaan safaarada Nairobi gacanta ay ku dhigtay nin la ay sheegtay in uu horey dowlada heshiis baasaboro sameyn ah uu la galay kaasi oo sameystay in ka badan intii dowladu ugu tala gashay ka dibna ka dajaiyey magaalo xeebeedka mambaasa ee dalka Kenya .

“Muraadkiisa ugu weyn wuxuu ahaa makiinadaha sameeya baasaboorka Somaliga in uu Nairobi ku rakibto sidaasna uu ku sameeyo baasabooro macmal ah ,welina ma dhicin wax uu cid siiyey waxaana maxkamada la soo taagayaa sanadka cusub bilowgisa ,baasabooradii aan ku qabanay bambaasa wax suuqa galay maahin “

Gaafow ayaa sheegay in ninkaan hindiga ah uu dhamaaday kunturaadii ay dowladu la gashay hase yeeshee makiinadihii iyo qalabkii la rabey in u dowalada ku wareejiyo ayuu shaariqa ka rartay si aan sharci aheyna u geystay dalka Kenya oo haatan lagu haayo isaga oo maxkamad suge ah.

“sadax qodob ayuu ku eedeysan yahay 1 maanafeestada uu qortay kuma darin in uu wado basabooro Somali ah ,2 alaab ay dowlad leedahay ayuu watay mana uu sheegin ,3 iyo isaga oo ka beensheegay waxyaabaha cunteenarku ka kooban yahay markii uu dakada shariqa ka rarayey waxaana qoraaladaas lag awaayey ducumentigii ay ku cadeyd waxa ku jira cunteenerka.

Qalabka ninkaan lagu qabtay waa qalab aad u qiimo badan waxaana uu sheegay in dhamaan ay dowladu kala wareegeyso lana geyn doono magaalada Muqdisho si bulshada loogu adeego.

Janaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa ku eedeeyey ninkaan in u masuul ka ahaa sugitaankii bilaha qaadanayey ee bixinta baasaboorada wuxuuna sheegay in hatan wixii ka danbeeyey lagu heli karo mudo ka yar 3 cisho Janaraalku wuxuu sheegay in loogu hanbalyeey dowlada sameynta baasaboorka cusub isaga oo meesha ka saray in lagu safri karo kii hore ee cagaarnaa xisaabtiisana la xirey ayna ugu danbeysay dowlada lagu galo dalka sacuudiga xiligii uu socday mooshinka xijka sanadkaan isaga oo daneynayey islaanimada iyo xujeyda balse hatan ay wada saxiixdeen in aan la aqbai Karin baasaboorkii hore ee cagaarnaa wixii ka danbeeyey xajka.

Waxaa Diyaariyay:
C.Wahaab Maxamed Ibraahim
Tel: 0618878333
galdvib@hotmail.com

Xulka Warka