
Ururka Nabada iyo horumarinta Soomaaliyeed ee jaaliyada Sweden iyo dhalinyarada Takaasida Stockhom ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyay dad barakacayaal ah oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Deeqdaani ayaa waxaa ka faa'iideystay ugu yaraan 200 qoys kuwaasoo qoyskiisa la siiyay 100-kun shilin Soomaali iyadoo guud ahaan lacagta la soo dhiibay ay ahayd 2-kun Doolarka Mareykanka waxaana gacantooda ku bixinayay lacagtaasi xildhibaano ay u soo wakiisheen ururkaasi.
Dadkaani barakacayaasha ee maanta lacagta loo qeybiyay ayaa degan kaam ku yaal degmada Wardhiigley kaasoo loo yaqaan Kaamka Rabi-tuug,iyadoo dadka halkaasi ku jira ay ka muuqatay duruuf dhaqaale.
Xildhinaanada deeqdaani lacageed loo soo wakiishay islamarkaana maanta lacagtaasi gacantooda ku dhiibay ayaa kala ahaa Maxamed Cali Jimcaale nucmaan iyo Maryan Sheekh Cusmaan.
Xildhibaan Maxamed Cali Jimcaale nucmaan ayaa hadalo kooban ka jeediyay halka deeqda lacageed lagu siinayay dadka barakacayaasha,waxaana uu faahfaahin ka bixiyay lacagta 2-kun doolar ee loo soo wakiishay halka ay ka soo gaartay iyo qaabka ay u bixiyeen.
Xildhibaanka waxaa uu ugu baaqay dhamaan Hay'adaha iyo ururada wadaniga ah ee wax haysta inay sidaas oo kale walaalahooda baahan gacan ugu fidiyaan.
Maaha markii ugu horeysay oo ururka Nabada iyo horumarinta Soomaaliyeed ee jaaliyada Sweden ay Muqdisho soo gaarsiiyaan deeq raashin ama lacag ah oo ay ugu talo galeen dadka abaaraha dartood ugu soo barakacay kaamamka Muqdisho ku yaal.
Xildhibaan C/qaadir Cukaash Cali oo ah Gudoomiyaha ururka Nabada iyo horumarinta Soomaaliyeed ee jaaliyada Sweden oo qadka Isgaarsiinta noogu waramayay isagoo ku sugan Dalka Sweden ayaa sheegay inuu deeqdaani xoogeeda ka soo ururshay dhalinyarada takaasida dalkaasi,sidoo kale waxaa uu xusay inuu arintaani garab weyn ka siiyay axmedey Shiino oo ka mid ah dhalinyarada takaasida.



 











Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com
|