News barmuudo Iyadoo sannad u fiicnaa kubada cagta uu soo dhamaanayo maanta hadii eebe idmo, waa waqtigii aan dib u fiirin laheyn xilliyadii ugu cajiibka badnaa ee xaqiiqooyinka Isboortiska ee dhacay 12kii bilood ee na soo dhaafay.
Iyadoo ciyaartoyda sida Robin van Persie, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa sii wadaan gooldhalintooda cajiibka ah ee 2011, Fernando Torres iyo Andy Carroll waxa ay ku dhibtoonayaan inay la qabsadaan kooxahooda cusub.
Iyadoo la isbarbardhigayo Fernando Torres iyo Robin Van Persie oo sannadkan uu u kala ahaa kooxdii ugu fiicnaa iyo koodii ugu xumaa, waxaan dib u eegi doonaan number-ada cajiibka ah ee la qoray.
0 – Torres ayaan weli wax gool ah u dhalin Chelsea iyadoo ay garoonka iskula jiraan ciyaaryahan Didier Drogba.
3 – Ciyaaryahanka reer Spain ayaa u dhaliyay Chelsea kaliya seddex gool oo Premier League ah tan iyo intii uu Liverpool ka soo tagay bishii Janaayo, waxaana uu goolashaasi ka dhaliyay West Ham, Manchester United iyo Sawansea City.
4 – Waxaa cajiib ah, in Torres uu dhaliyay inka badan goolasha uu Chelsea u dhaliyay Premier League sannadkan 2011 kooxda Liverpool, inkastoo 11 bilood uu ku qaatay Stamford Bridge. Weeraryahanka ayaa afar gool u dhaliyay Liverpool bishii Janaayo ka hor inta uusan ku biirin kooxda Chelsea. Isagoo Ciyaaryahan Reds ah waxa uu goolal ka dhaliyay Bolton iyo Blackpool ka hor intuusan Wolves labo gool ka dhalin.
17 - Iyadoo ay ku jirto mudadii uu amaahda ugu maqnaa Bolton ciyaaryahan Daniel Sturridge waxa uu dhaliyay 17 gool oo Premier League ah sannadkan 2011, waa in la mid ah wadar ahaan inta ay dhaliyeen marka la isku geeyo ciyaartoyda kala ah Torres, Drogba, Salomon Kalou, Nicolas Anelka iyo Romelu Lukaku.
9 – Taas bedelkeeda Van Persie ayay u ahayd sannad xasuus ka mudan. Ciyaaryahanka reer Holland waxa uu 2011 jabiyay rikoorkii Ruud van Nistelrooy uu ku hayay goolasha isku xigixga ee isagoo marti ah waxaana isagoo wadada ku sii jira uu dhaliyay 9 jeer intii u dhaxeysay 1dii Janaayo ilaa 22kii May.
30 – Kabtanka Arsenal ayaa noqday ciyaaryahankii shanaad ee taariikhda Premier League ee gaara 30 gool muddo sannad ah, waxaana uu ka danbeeyaa Thierry Henry, Alan Shearer, Les Ferdinand iyo Van Nistelrooy.
100 - Van Persie ayaa ku biiray ciyaartoy sida Henry iyo Ian Wright oo u dhaliyay 100 gool Arsenal. Waxaana uu goolkiisi boqolaad dhaliyay ciyaartii Arsenal ay 3-0 kaga badisay Bolton bishii September.
0 – Kulankii Arsenal ay barbaraha 1-1 la gashay Fulham bishii November, ayaa aheyd ciyaartii ugu horeysay ee kooxda Arsenal uu ka maqan yahay ciyaaryahan Faransiis ah tan iyo September 2005tii.
0 - Daafaca Tottenham Ledley King ayaan dhadhaminin guuldarro sannadkan 2011, waxa uu saftay 13 kulan 11 ka mid ah kooxdisa waa ay badisay halka labo jeer ay barbaro gashay.
12 – Kulankii Liverpool iyo Arsenal ee barbaraha 1-1ka ku dhamaaday bishii Aprill waxa uu ahaa kulankii taariikhda Premier League waqtigii ugu dheeraa lagu darro, waxaa lagu daray 12 daqiiqo iyo 26 ilbiriqsi.
19 - 19kii kulan ee isku xigay ee Manchester United ay ku badisay garoonkeeda ah oo ah kii ugu fiicnaa ee tariikhda Premier League, waxaa soo gabgabeysay Manchester City oo 6-1 ku garaacday United bishii October.
20 - Ryan Giggs, ayaa ciyaaraya horyaalkii 20aad ee Premier League, waxaana uu sii wadaa rigoorkiisa uu xilli ciyaareed kasta 20kaasi xilli ciyaareed uu shabaqa u soo taabanayo Manchester United, iyadoo uu qeyb ka ahaa kulankii ay United 5-0 kaga badisay Fulham 21kii December.
115 - Guuldaradadii 8-2 ee Arsenal ka soo gaartay Manchester United bishii August waxa ay aheyd markii ugu horeysay ee 8 gool laga dhaliyo muddo 115 shanoo ah, markaasoo 8-0 iyagoo marti ah ay uga soo badisay kooxda Loughborough 1896dii.
21 - Waa tirada Seddexleey ee Premier League laga dhaliyay sannadka 2011, waa sannadkii ugu horeysay ee intii Premeir League loo bixiyay horyaalka ee 21 hat-trick la dhaliyo.
20,000 - Marc Albrighton ayaa dhaliyay goolkii 20 kumaad ee Premier League, kulanikii Aston Villa looga badiyay 2-1 ee dhacay 21kii December markii ay la ciyaarayeen Arsenal.
6 - Palermo ayaa sannadkan 2011 waxaa soo qabatay lix macalin. Delio Rossi ayaa la ceyriyay bishii Febraayo. Sersi Cosmi ayaa la ceyriyay bishii Aprill, Rossi ayaa la ceyriyay mar kale bishii June, Stefano Pioli ayaa la ceytiyay bishii August, Devis Mangia ayaa isna la ceyriyay bishii December. Bortolo Mutti ayaa haatan haya kooxda Serie A.
8 - Cristiano Ronaldo waxa uu dhaliyay ugu yaraan hal seddexleey sideed ka mid ah 10kii bilood ee uu kubada cagta u ciyaarayay Real Madrid sannadkan 2011. Waxa uu seddexleey soo dhaliyay bilaha January, March, May, August, September, October, November iyo December.
51 - Kooxda Barcelona ayaa ugu yaraan boqolkiiba 51 heystay kubada ciyaar kasta oo ay ciyaareen 2011.Waxaa kubad heysashada Barcelona xudun u ahaa Xavi, kaaso si cajiib ah 142 baas saxay 150 baasas oo uu sameeyay kulankii finalka Champions League ee Wembley ka dhacay.
53 - Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo labadooda waxa ay kala dhaliyeen 53 gool taratamada oo dhan xilli ciyaareedkii 2010-11. Laacibiinta Barcelona iyo Real Madrid waa ciyaartoydii ugu horeysay ee taariikhda kubada cagta Spain ee dhaafa 50 gool hal xilli ciyaareed.
Soo saare
m m shooble
E mail-shooblecade143@hotmail.com
Ttel-5493234
|