Wararka Maanta
C/Weli Xasan (Tarabatooni)
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992
Waa maxay dal qiimihii?!!
Dibadbaxa dhallinyarada Muqdisho ay dhigeen
Baro xiddigihii soo maray naadigii K/Cagta MBC
Waa maxay saxafad? (Chapter-1)
Sanadka 2011

News Barmuudo.com:- Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineeynaa Casharo ku saabsan Saxaafada Qeeybaheeda kala Duwan, Waa maxay Saxaafad? sida loo Adeegsado, awoodeeda,Anshaxa Saxaafada, Waa kuma suxufigu?,Waxyaabaha laga rabo Suxufiga iyo arimo badan oo Muhiim ah ee ka bogasho wacan.

Waa maxay saxafad Chapter 1?
Marka laga hadlayo saxafada waa arin adag in erayo kooban oo wata afkaar iyo macnaha saxafada la sameeyo .ayadoo ay taasi jirto ayaa haddana khubrada saxafada ay isku qilaafen in ay macne guud oo la isku raaco loo sameeyo saxafada .balse dad badan oo ka faalooda arimaha saxafada ayaa waxay ka bixiyeen saxafada amuuro badan .balse waxaa is waydiin mudan malagu xusay saxafada qur''aanka kariibka ahi,
lle subxaanahu watacaala waxaa uu ku lee yahay suurada all -acla (( suxufi ibrahim wa muusaa )) ilaahay ha nabad yeelo taasi oo ah waraaqo illahay siiyay nabiyadaasi halka maanta kal mada (suxufi) luuqada carabiga loo yaqaan wargays
Qeexitaanka saxafada ee islaamka  
Maxay tahay qeexitaanka ay diinta islaamka ay siisay saxafada (( saxafada waa seef labo afle ah oo loo adeegsan karo dhanka samaanta iyo waliba dhanka kale ee xun waana wada kaliye ee umada wax loogu gaar siin karo loogana baahan yahay inaysan ka bixin wax yaalaha ay shareecada rumaysan tahay kaliya ))
waxaa tusaale kuugu filan inay saxafada ay diinta ka mid tahay ......... waxayna diinta ay lee dahay shir saxafadeed umada oo dhan loo qabto sida khud badaha jimcaha Ciida iyo waliba wixii la mida ,,
Qeexitaanka saxafada qaar ka mid ah dowladaha aduunka 

intaa hadii aan ku dhaafno macnaha saxafada islaamka ay ka qabto .bal aan fiirino macnaha dowlada qaar ay ka aamin san yihiin saxafada " boqortooyada sacuudi carabiye waxaa loo yaqaan saxafadu inay tahay xirfad qoraal iyo waliba soo badhigista maqaalo daabacan iyadoo loo adeegsanayo (( wargays ama majalad ))
'' '' wadanka lubnaan waxaa loo yaqaana saxafada isla markaasna looga aamin san yahay inay tahay soo bandhigista dhacdooyinka qoran oo kaliya ,,
Qeexitaanka saxafada ee nidaamka hanti wadaaga
Nidaamka hanti wadaaga waa nidaam ay ku dhaqmaan dowladihii hoos tagi jiray midowga soofiyed iyo waliba dowladihii taager sanaa .waxaana maanta ka mida dalalka ruushka iyo waliba china .waxaana ay ku qeexen saxafada qaabkan (( saxafadu waa mid ka mida shaqooyinka bulshada lagama maar maarka u ah waxaana ay gaar u tahay dad kooban sidaasi waxaa qaba wadamada rushka iyo china ahi )) 
Qeexitaanka saxafada ee tignolajiyada 
Qeexitaanka saxafada ay tignolajiyada ay ku macnaysay waa (( inay tahay saxafada aalad loo adeegsado hormarka bulshada ayna saxiin u tahay hormarka tignolajiyada iyo waliba helitaanka macluumad hor leh oo ku cusub aduunka waxaana ay tignolajiyada sheegtay inay soo martay marxalado kala duwan oo kala ah ,,
Marxalada dhagaysiga ?
Marxalada khudbada ?
Marxalada qoraalka iyo daabacaada ?
Marxalada tignolajiyada ?
Bal aan ku hor marno marxalada dhagaysida macnaheeda iyo waliba wax ay ka tiri ?

1: Marxalada dhagaysiga oo ah mid bilow ah taasi oo ay dadku u adeegsan jireen wax yaabaha maqalka ah sida dadka wax loogu sheeko ayadoo la adeegsan jiray dhawaqa buunka si ay dadka wax uga fahmaan .taasi waxaa marxalda dhagaysiga ,,,
2: Marxalada khudbada oo ah marxalad ku dhow tii hore ayaa tani waxay oranaysaa in dadka wax loogu sheeko sawiro iyo qoraal lagu sameeyo darbiyada si ay umada u fahmaan isla markaasna ugu akhristaan markaasi ayay waxay fahmayaan micnaha looga dan leeyay sawirada iyo qoraalada darbiyada lagu qoraayo 
3: Marxalada qoraalka oo ah marxalad ka hormarsan labada kale ee kala ah Marxalada dhagaysiga iyo Marxalada khudbada .taasi oo ah mid ka casriyaysan ayadoona lagu soo bandhigayo dhacdooyinka hab qoraal ahaana ah sida wakaalad ''' wargays ''' majalada iyo webka I.W.M
4: Marxalada tignolajiyada oo ah marxalada ugu casrisan ee saxafada taasi oo maanta la adeegsado .waana in saxafada lagu dhisaa Radio TV ama aalada internedka iyo waliba dayax gacmeedka ayadoona hada ay marayso heerka ugu sareeya ee saxafada loo isticmaalo loona adeegsado,,
Lakiin saxafada guud ahaan hadii aan macnaheeda guus isugu soo aruurino waxaan u kala qaaday naa (3 qaybood) 
1 :> Qeexitaanka saxafada xirfad ahaan .waana inay tahay saxafadu mid ka madi ah xirfadaha ugu muhiib san .xariirna la leh xirfadaha kale ee bulshada sida ganacsiga dhaqalaha iyo wixii la mid ah .,,,
2:> Qeexitanka saxafada ayadoo la eegaayo waxay baahiso .waa inay tahay saxafadu mid gud bisaa wararka iyo dhacdooyinka iyadoo ku soo bandhigaysa majalad ...wargays....idaacad......ama talefashin
3:> Qeexitanka saxafada shaqo ahaan .. waa inay tahay saxafadu xirfad u adeegta bulshada taaso baahisa baahida bulshada kana turjunta waxay u baahan yihiin umada ama bulshada .,,
Hadii aan isku soo wada duubo guud ahaanba arimaha saxafada .waa xirfad balaaran oo u adeegta bulshada taas oo baahisa dhacdooyinka iyo wararka ay dhagaysayaasha iyo waliba akhristayaasha Daawada yaasha ay doortaan bulshada .kuwaasi oo ku baahiya si sharaf iyo mudnan ku dheehan tahay .wargays .idaacad iyo Tv (( lakiin macnaha ugu kooban saxafadu .waxa uu noqonayaa .wax ka qoris wax yaabo anan dadku waxba kala socon un ))
Erayad muhiibka u ah saxafada
Kalmada saxaafad luuqada ahaan waxay ka kooban tahay luuqada carabiga oo ah saxafad
inta aanan u gudbin casharada kale waxaa haboon inaa kala saarna erayada saxafad 
1 Saxaafad Journalism all saxafad
2 Saxafi Journolist all saxafi
3 Suxuf Journol all saxaf
Intaasi waxaa qaybta saxafada ay u kala baxdo lakin casharku waa socdaa...


W/Q: Maxudiin Maxamuud Shooble
E-mail: shooblecade143@hotmail.com
Tel:0615493234

www.barmuudo.com

Xafiiska warqabadka Muqdisho

 


Xafiiska warqabadka Muqdisho