Bogga Caalamiga ah Ee Barmuuda waxa uu idin kugu bishaareynayaa Bisha Ramadaam Fadligeen in uu idiin soo baahin doono Sida ay tahay xaalada Guud ee dadka Somalida ee kala soomay guud ahaan Gobolada dalka Somalia.
Posted by: C/wali Xasan Tarbatoni
0615749191
 
Qubanayaal
Xildhibaan Waqaa: "Guddiga maareynta Masiibooyinka 72-saac gudahood haddii ayna mucaawinada...

"Waa nasiib darro in rag sheeganaya magac dowladeed hadana dadkooda gaajo iyo macluul ugu geeriyoonaya gobolada ay ku abtirsadaan, waxaana ugu baaqayaa kuwa gashan shaarka dowladnimada ee lacagaha ka buuxsaday bankiyada adduunka inay walaalahooda soo kaalmeeyaan, taasi oo adduun iyo aakhiro u noqoneysa ajar.

Guddiga maareynta Masiibooyinka ee dhowaan Ra'iisal Wasaare C/Weli u magacaabay maamulka gargaarka caalamka uga imaanaya dalka Soomaaliya, ayuu sheegay Xildhibaanka in guddigaasi uu ku dhaliilay howlahooda, isagoo caddeeyay in guddigaasi ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameysay abaarta Soomaaliya.

"Guddiga maareynta Masiibooyinka 72-saac gudahood haddii ayna mucaawinada u geynin dadka gaajada ku leysay gobolada dhexe, Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaan u aqoonsaneynaa inay yihiin guddiga keenista masiibooyinka" ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamuud Wehliye (Waqaa) oo sheegay in sida Guddoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isbaarada ugu dhigtay xeryaha barakacayaasha Muqdisho si la mid ah ugu aqoonsan doonaan guddiga maareynta masiibooyinka.

Dhinaca kale Xildhibaanka waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho uu yaallo gargaar ku filan, kuwaasi oo uu sheegay in intiisa badan uu si xad dhaaf ah u yaallo Dekedda Muqdisho, wuxuuna ku eedeeyay Dowladda KMG ah iyo guddiga maareynta masiibooyinka inay musuqmaasuqayaan arrimaha gargaarka isla markaana waxa uu ku eedeeyay Xukuumadda iyo madaxda guddigaasi inay raashinka mucaawinooyinka ay iibsadaan kaddib markii ay ka buuxsadeen bakhaaro ku yaala xaafadaha Muqdisho.

"Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa waxaan ugu baaqayaa inay si degdeg ah ugu soo gurmadaan dadka walaalahooda ah ee gaajada iyo macluusha ugu dhimanaya maalin kasta gobolada dhexe, Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana si gaar ah ugu adkeynayaa dadka u dhashay goboladaas inay iska xilsaaraan sidii loo caawin lahaa caruurta, haweenka liita iyo waayeelka abaartu leyneyso" ayuu yiri Xildhibaan Waqaa.

Mar uu ka hadlayay hay'adaha gargaarka iyo kuwa samafalka ku shaqada leh waxa uu ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii dadka dhibaateysan ee ku sugan gobolada dalka qaarkood isla markaana howlahooda samafal ay ku fidiyaan gobolada dalka, isagoona sheegay in hay'adaha magaca Soomaaliyeed dhaqaalaha uga qaata QM iyo dalalka deeqda bixiya aanay jirin wax ay u qabtaan Soomaalida ku barakacday abaaraha dalka ku dhuftay, waxaana marqaati u ah inaysan weli ka howlgelin gobolada ka madax bannaan ururka Al-Shabaab oo had iyo goor ay qiil uga dhigtaan inaan gargaar la geyn karin.

 


Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com

admin