
Xilliga ciyaarta oo dhameystiran Itoobiya 5-0 Soomaaliya -O. Okwury ayaa goolka u dhaliyay daqiiqadii 5aad -S. Bekele ayaa goolka labaad u dhaliyay daqiiqadii 62aad -S. Bekele, ayaa goolka sadexaad ku daray daqiiqadii 65aad -G. Kebede, ayaa goolka afaraad dhaliyay daqiiqadii 87aad.
Cayaartan oo ahayd mid aad xamaasad u lahayd isla markaana shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si weyn ugu dheg taagayeen in xulkooda qaranka tartankaasi ka soo hoyn doono guulo taariikhda gala waxaa bedelkeeda galay in lagu durduriyo isla markaana loo diido inay xitaa hal gool ka dhaliyaan xulka Itoobiya oo markaasi ay wada ciyaarayeen.
Qaar ka mid ah taageerayaasha xulka Soomaaliyeed iyo dhammaanba dadweynaha Soomaalida ayaa iyagu siyaabo kala duwan uga hadlay guul darrada xulka Qaranka soo wajahday, halka taageerayaasha qaarkood ay sheegeen in ciyaar gelin dambe ay tahay, isla markaana kubbadu mar uun u hiillin doonto xulka taagta daran ee qaranka Soomaaliyeed oo aan helin daryeelkii ay u baahnaayeen.
Waxaa diyaariyay:
Jorje
Tel: 0615493234
Xafiiska Wararka Muqdisho
www.barmuudo.com
infobarmuudo@hotmail.com
|