Wararka Maanta
C/Weli Xasan (Tarabatooni)
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992
Waa maxay dal qiimihii?!!
Dibadbaxa dhallinyarada Muqdisho ay dhigeen
Baro xiddigihii soo maray naadigii K/Cagta MBC
Xuska Maalinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Dareenka Sanadkan
Sanadka 2011

News Barmuudo.com:- (21-ka January oo ku beegan maanta ayaa loo aqoonsan yahay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed, waana maalin lagu maamuso bilawgii iyo aas aaskii wargeyskii ugu horeyay ee Af Soomaali ku qoran dadkuna akhristaan oo dalka ka soo baxa.

Wariyaasha Soomaaliyeed, ee dal iyo dibedba jooga waxay sanad walba u dabaal degan xuska maalintan si ay u mujiyaan una qadariyaan adeega warfaafinta Soomaaliyeed u heyso dalkeeda iyo dadkeena uguna hambalyeeyaan suxufiyiinta waajibka gudanaya. Waxaana sanadkan halku dhig loogadhigay “ Joojinta xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta ”.

Hase yeeshee sanad waliba waa dareenkiisa gaarka ahe, xuska 21-ka Janaayo wuxuu sanadkan imaanayaa iyadoo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay dareemayaan xaalad walwal iyo uur ku taalo xambaarsan dhanka kalana yididiilo iyo rajo wadata.

Warbixin sanadeedyada ururada u dooda xuquuda suxufiyiinta ay soo saareen sanadkii dhamaaday ee 2011 ayaa Soomaaliya ka dhigay meesha ugu horeysa ee lagu laayo wariyaasha adduunkoo dhan. 

Warbixinadaasi oo walaac ka muujiyey heerka quusta leh ee ay  suxufiyiinta Soomaaliya ku sugan yihiin. Sanadkii 2011 wuxuu suxufiyiinta kala galbaday dhacdooyin naxdin iyo murugo leh oo ay ugu dambeysay dilkii xaasidnimada ahaa ee 18-kii Disembar magaalada Muqdisho askari ka tirsan DKMG uu ugu geystay AUN C/salaam Sheekh Xasan Xiis, dilkaasi oo saddex ka dhigaya tirada wariyaasha Soomaaliya lagu dilay 2011.

Dilka wariyaasha ma ahayn wax cusub oo waxaa hore u soo dhacay dhacdooyin lagu xasuuqay warfidiyeeno fara badan sanadihii 2008 illaa 2009, laakiin dilka C/salaam Xiis ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee xero dawladu maamusho ka dhaca askari ay dawlada qoriga siisaya uu geyto.

Sanadkan cusub 2012 ayay wariyaasa ku soo dhoweeyeen dhacdo taariikhda gashay ka dib markii bishan 16keedii maamulka Somaliland xabsiga u taxaabay 22 wariye oo ka hawlgalayey Hargeysa mar kaliya taasoo noqotay markii ugu horeysay oo tiro wariyaal intaas la eg oo mar kaliya xabsi la geliyo .

Inkastoo dhacdooyinkaasi ay yihiin kuwo niyad jab keenaya haddana Ururada suxufiyiinta waxay qabaan in rajada maanta ay ka dhow dahay halkii ay joogtay shan sano ka hor, laakiin taasi ma ahan in xoriyada hadalka iyo cabiraad aan faafreebka lahayn ay ka xoroobeen cadawgii ay lahaayeen ee ahaa cagajugleynta, caburinta iyo sidaan rabo ii dheh.

Waa hubaal in dalkeenu u baahan yahay nolol ka dhan ah cabsi kuna dheehan sharaf iyo baqdin la'aan, wadada kaliya ee lagu gaari karana waa halganka xoriyatul qowlka oo guuleysta iyo dulmiga oo laga awood bato taasina saxaafadda Soomaalyeed waa inay hormuud u noqotaa. Waa hubaal in geesiyaashii naftooda ku waayey halganka xoriyatul qawlka loo aqoonsan doono halyeeyo qaran taasina waxay keeni doontaa in dulmiilayaashu ku jabaan isku daygooda,  waana inaan ogaanaa in xoriyada tahay geed baxaya oo uu baahan in la waraabiyo midnimana loogu halgamo.

Waxaa Diyaariyay:-

MM Shooble
E-mail: shooblecade143@hotmail.com
Tel:0615493234

Xafiiska Warabadka Muqdisho

 

www.barmuudo.com

Xafiiska warqabadka Muqdisho

 


Xafiiska warqabadka Muqdisho