|
| |
Pictures,
Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992, Wargeys madaxbanaan
Tell: 252-50-419358 /2521-5888686 infobarmuudo@hotmail.com
|
|
|
Shirkadda
Hormuud oo doonaysa shaqaale Telecom Software Developers ah Ku soo
dir CV-gaaga halkan: Email: ahmed@safarifone.com
|
|
|
Jaaliyadda Swizerland oo maanta deeq lacageed soo gaarsiisay
Isbitaalka Martiini.
Waxaana deeqdaasi gudoonsiiyey Cilmi
Cabdullaahi Iyo Afhayeenka Isbitaalka Cabdimahad waxaana
deeqdaasi loo soo wakiishay Hey'adda Isbitalka Gacanta ku haaysa
oo lagu magacaabo "Somali Relief Development Organization"
Gudoomiyaha Hey'addaasi Cali Xuseen Yuusuf oo ka wakiil ahaa
Jaaliyadaha Swezerland ee Luzerno waxeyna u balan qaadeen in ay
dayactir u sameyn doonaan Misaajidka iyo Dhismaha Isbitaalka
iyadoo ay horey ugu balanqaaday Urur lagu magacaabo Rajo
Chairlaty oo u balan qaaday dayactirka Matoorka iyo Ceelka
biyaha ay ka cabaan iyo Mootooyinka Cuuryaamiinta iyo Baaskiilo
oo aan weli soo gaarin waxeyna u mahad celiyeen Guddigii u
qaabilsanaa oo isbitaalka gacanta ku hayay. oo kala ah.
Cali
Xuseen Yuusuf iyo Cabdiwali Xasan Maxamuud iyo Maxamed aadan
Kulane iyo Maxamed Aadan Cabdi waxaana u mahad celiyey Dhamaan
ciidamada naafada xooga dalka soomaaliyeed waxeyna sheegeen in
ay dadaalkooda sii wadi doonaan hadii uu alle idmo.
isbitaalka Naafada Martiini oo ay kusuganyihiin Boqolaal qof oo
ah Cuuryaamiintii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta
lagaarsiiyay Deeqo Lacag ah lacagtaasoo ka kooban 600$ oo ay ugu
deeqeen Urur wadani ah oo lagu magacaabo (Somali Relief
Development Organization )oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho
waxaana Maanta siwayn looga dareemay deeqdii lacageed oo ay
gaarsiiyeen Isbitaalka Martiini Cuuryaamiinta oo ku
damaashaadayay deeqihi lacageed ee la gaarsiiyay.
Sida
uu sheegay gudoomiyha Ururka Samafalka Cali Xuseen Yuusuf qaar
katirsan Ciidamada Naafadda xooga dalka Soomaaliya ee ku
xaraysan Isbitaalka Martiini aya uga mahad celiyay Ururka
Soomaali deeqda ay iska soo aruuriyeen oo ah mid aad ay ugu
diirsadeen. Waxaadna nagala soo xiriiri kartaa ciiwaanadaan hoos
ku qoran walaalaha muslimiinta soomaaliyeed meelkasto oo ay
joogaan waa in ay nala so xiriiraan oo cidna aan nalagu haleynin
maanta xaaladu wey xun tahaye.

Hospital Martiini - Somali Relief
Development Organization E-mail:
naafadamartiini@hotmail.com
Tell: +252-5-419358 / +252-1-5888686
Tarabatooni.
002521-657115
W/Q: Barmuudo.com E-mail:
infobarmuudo@hotmail.com |
|
|
| Copy
right © http://www.barmuuda.com | E-mail: infobarmuudo@hotmail.com |
|