Bogga hore
Wargeyska Barmuudo
Bogga Ciyaaraha
Pictures, Aasaaska Wargeyska Barmuudo 1992, Wargeys madaxbanaan
Tell: 252-50-419358 /2521-5888686 infobarmuudo@hotmail.com
Shirkadda Hormuud oo doonaysa shaqaale Telecom Software Developers ah Ku soo dir CV-gaaga halkan: Email: ahmed@safarifone.com 

Barnaamijkii tartan aqooneedka bisha Ramadaan oo la soo gaba gabeeyey, magaalada Muqdisho.

Barmuudo News Agency, Mogadisho-Somalia,

Munaasabad lagu soo gaba gabeynayo Barnaamijkii tartan aqooneedka bishii Ramadaan ayaa lagu qabtay hotalka Shaamow ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabaddani ka soo qeyb galay mas'uuliyiin iyo marti sharaf kale.

Xafladaan oo aheyd mid si aad ah loo soo agaasimay ayaa maanta U jeedka waxaa uu ahaa soo gaba gabeynta barnaamijkii tartan aqooneedka oo ay ka qeyb qaateen qaar badan oo ka tirsan degmooyinka gobolada dalka, taasoo sanad walba la qabto si ay uga faa'ideystaan dhalinyarada soo koreysay isla markaana loo kobciyo garaadkooda wax barasho, isla markaana oo abaal marino qaali ah lagu lagu gudoonsiiyo degmooyinka ku guuleystay kaalimaha ugu horeeya ee Barnaamijka Tar tan aqooneedka, halka degmooyinka kale gudoonsiiyay Shahaado Sharaf.

Shabakadda warbaahinta Shabelle iyo shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxaa ay gaba gabagadii xaflada abaalmarino lacageed gudoonsiiyeen degmooyinka kala ah degmada Ceel Buur ee gobolka Galduud oo iyadu hantay Koobka sanadka, 2008 oo la gudoonsiiyay abaal marin lacageed oo gaaraysa 30-Milyan oo Sh/Soomaali ah iyo Shahaado Sharaf.

Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo iyaduna gashay kaalinta 2-aad ee tar tanka waxaana la gudoonsiiyay lacag gaaraysa 20-Milyan oo Sh/Soomaaliga ah, waxaana kaalinta sedaxaad abaalmarin ku heshay deegaanka kaxda ee gobolka Banaadir la oo heshay lacag dhan 15-Milyan oo Sh/Soomaali ah.

Agaasimaha idaacada Shabelle Mukhtaar Max'ed Hiraabe oo ka hadlay Xafaladaasi ayaa waxaa uu u mahad caliyay ,degmooyinkii galay kaalimaha ugu horeeyay ee barnaamijka tar tan aqooneedka Shabelle iyo dhamaan degmooyinkii kale ee ka qeeyb qaatay tar tanka.

C/rashiid Ceenaanshe oo ka mid ah saraakiisha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxaa uu sheegay in hadiyadaha kala duwan ee ay bixiyeen ay ugu talagaleen in ay ku dhiira galiyaan dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar haan kuwa Aqoontooda soo bandhigayay isla markaana waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan dhiira galinta Barnaamijkani ay iska kaashanayeen shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Ma'ahan markii ugu horeeysay oo xalfad xiritaanka tar tan aqooneedka Shabelle lagu qabto gudaha magaalada Muqdisho iyadoona ay maanta inta ay xafadaasi socotay si toos ay hawada ugu jireen istuudiyaasha idaacada Shabelle ee magaalooyinka Muqdisho iyo Marka kuwaasi oo si toos ah looga soo tabinayhay xaflada.

Tartamayaasha Deg. Ceelbuur
C/rashiid Yuusuf Maxamuud, 5547777
Yuusuf Axmed Gacal, 5960310
Cumar Nuur Cali , 980110
C/gooje Saciid Dheere, 5550431
Email: elbur72@hotmail.com

W/diyaariyey, C/wali Xasan Max'uud (Tarabatooni)
Email: info@barmuudo.com

Copy right © http://www.barmuuda.com | E-mail: infobarmuudo@hotmail.com