Abwaano
maanta kaalmo lacageed garayso $ 3500 gaarsiiyey qaxooti iyo dad
ka bakaracay guryahoodii
Safaaradii maraykanka ee siliga oo noqday
dhul ay dagan yihiin qaxooti iyo dad guryahoodii ka barakacy
Qaar ka mid ah Jaliyada somaliyeed ee ku nool dibadaha ayaa iska
soo uruuriyey deeqo lacageed kuwaa oo soo gaarsiiyey gacanta
abwaano can ah oo somaliyeed si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan
ee jilicsan ,
Deeqdaan ayaa lagu soo hagaajiyey gudoomiyaha golaha abwaaniinta
somaliyeed abwaan abshir nuur faarax (abshir bacadle ) waxaana
gacan ka siinayey afhayeen golohaasi Cisman Cilmi Guure iyo
abwaan Maki Xaaji Buurfuule Banadir
qaar ka mid ah Jaaliyadaha dibadaha oo ay ugu horeeyaan
wadamada iswedhan ,waxayna ku midaysan yihiin ururka nabda iyo
horumarinta somaliyeed waxayna soo dhibeen kaalmo gaarayso $1000
iyaga oo soo wakiishtay Cabduqadir Cukaash
sidoo kale jaaliyada Isweserlan qar ahaan magaalada nashatan
ayaa iyana abwaanintaan soo gaarsiiyey lacago $1000 waana qeyb
ka mid ah lacago ay soo dhiibeen oo intii kale aan weli la
bixinin
waxaa jira iyana gabdho muxsiniin somaliyeed ah in ay soo
garsiiyeen $2300
Gudoomiyaha
golaha abwaanada somaliyeed oo uu la socday afhayeenka golahasi
abwaan Cisman cilmi guure iyo abwaan Maki Xaaji Banadir ayaa
manta lacago loogu deeqay dad muqdisho ku dhbataysan ka qeybiyey
deegaanka TIIDA deeq lacageed gaarayso $1500 dooalr oo lacag
Somali loo bedelay oo ay soo dhibteen dad muxsiniin ah oo
somaliyeed ayuu ku wareejiyey abwaan abshir nuur faarax bacadle
, qaar ka mid ah odoyasha deegaanka tiida waxaana ka xusi karnaa
Colow Gacal Faarax oo ka mahad celiyey isaga oo ku hadlayey
magaca dagmada dayniile deeqda inteeda kale ayaa la siiyey
deegaano ay ku jiraan jiiro miskiin laba xero oo ay dagan yihiin
dad gaaraya 250 qoys oo aanay jirin cid u fosta iyo meel ay u
shaqo tagaan ayaa midkiiba la siiyey lacag dhan 200.000 ,ispitaalka
dagmada daynile ayaa la gudoonsiiyey deeq kaalmo ah oo gaarayso
$ 1000 taas oo loogu talagalay in lagu hormariyo howlaha
ispitaalka ka socoto sida shiidaal ama qof markaa loogu iibiyo
wax aan laga heli Karin ispitaalka wuxuuna sheegay agaasimuhu Dr
maxamuud Mye Abuukar in ay haatan jiifaan ispitaalka dayniile
bukaano gaaraya 85 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan iyada oo u
gudoomay agaasimaha cusub ee ispitaalka dayniile Dr maxamuud Mye
Abuukar oo isagu bil ka hor ka yimid dalka hidiya si uu dalkiisa
iyo dadkiisa wax ugu qabto isaga oo halkaasi deganaa mudo
Dadka
ka faaidaystay deeqdaan manta ayaa badankoodu waxay ahaayeen dad
waayeel ah caruur agoon ah dugsiley , haween , dad waayeel ah ,kuwo
cuuryaamiin ah oo dhamantood ahaa dadkii ay ku waajibtay isla
markaan ay doorteen abwaaniintaan ka dib markii ay u kuur galeen
halka iyo dadka la siinayo deeqdaan lacageed ,
Deeqda manta dadkii ka faadiideystay waxaa ka mid ahaa Salaado
Edan isaaq oo sheegtay in ay ka barakacaday gurigeedii oo ku
yaal deegaanka mcalin biyo baalow ee xafada howlwadaaga
magaalada muqdisho ka dib markii ay ku bateen iska horimadyada
hubeysan iyo qaraxyada waxayna sheegtay in aysan jirin cid
biisha ayna ku noshahay wixii ay siiyaan dadka deriska ka ah oo
kaliye iyada oo intaa raacisay in aysan weligeed guri ka
sameysan baakado iyo udbo iyo maryo la isku xirxiray oo hada u
dhisan waxayna u duceysay dadkii deeqdaan u so diray iyo intii
ka qeyb qaadatay soo garsiinta deeqdaan wax ku oolka ah sida ay
sheegtay ,
Macalin
Maxamud Maxamed waxuu dugsi quraan ku hayaa xerada jiira miskiin
arada dhigata dugsigiisa ayaa gaarayso ilaa 53 arday oo aan
heysan waxyaabaha sahli kara wax barashada isaguna wuxuu ii
sheegay inaysan aradaydu heysan googol ay fadhiisataan loox ay
quraanka ku qortaan bacao ay ka galaan roobta oo xiligisii lagu
jiro ,kitaabo , wuxuna shaaca ka qaaday in ay halkaan dagan
yihiin mudo afar bilood ah isaga oo intaa ku daray in maalintii
ii biil ahaan u bixiyo sided kun oo kaliye mana ma heli karo
ayuu yiri wax ka badan intaa wuxuuna bulshada somaliyeed si gar
ah uga codsaday in ay kaalmeeyaan macalinkaas duqsi quraanka ku
haayo oo taleephonkiisa iigu sheegay in uu yahay 00252155103965

Sidoo kale Nuunaay Maxamed Adan oo aan kula kulmey buushkeeda
iyada oo dubanaysa loos ayaa ii sheegtay in ay looska ka soo
gashao 25 kun sh Somali ah
Kalaay
am nuur wxay ii sheegtay in aysan sifiican hadalka u maqlin
iyada oo araguna ku liito ayaa tiri wiilkeygii I masruufi jiray
Ciidanka Ethiopia ayaa xabad ku dhuftay oo meyd ahaan uga tagay
hadana wuxuu jiifaa isbitalka ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ee
ka socda dalka Burundi waxaana uu dhaawac ka soo gaaray garabka
iyo xiniinyaha waxaana agtaagnaa haweeyney uu qabo oo umul ah
iyada oo ii sheegtay in aysan heysan wax ay ku daaweeyaan
Dhamaan deeqihii manta ayaa si nabad ah loo garsiiyey labada
xero oo ay ka dhisteen jiiro miskiin , silage maraykanka
deeganak TIIDA iyo ispitaalka dayniile oo dhamantood ka wada
tirsan Magaalada muqdisho Gobolka baandir .
W/Q: C/wali Xasan Maxamuud (Tarabatooni)
infobarmuudo@hotmail.com
|
|
|